Madaxweynaha Somalia waxa uu qirayaa taageerada ballaaran ee beesha caalamka ay dowladiisa ku siiso howlgallada ka dhanka ah AlShabaab

Kooxda alshabab


 Madaxweynaha soomaaliya Xasan Sheekh ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay taageerada baaxadda leh ee ay dawladda federaalka soomaaliya ka heshay hawlgallada ka dhanka ah alshabaab ee dalka lagaga xoreynayo kooxda madaxweynaha ayaa hadalkiisa ku qiray in caalamka uu u soo jeestay taageerada soomaaliya kadib markii dowladda ay awoodeeda isugu geysay sidii dalka loo xoreyn lahaa 

Isagoo xusay in dowladdu ay faraha kula jirto oo aysan sugin ciidamo shisheeye ay sabab u tahay in la helo taageero weyn madaxweynaha ayaa ku nuux-nuux saday in beesha caalamka aysan horey u awoodin inay soomaaliya taageerto sababtuna ay tahay habacsanaanta dowladda ee dagaalka ka dhanka ah AlShabaab waxa uuna u xaqiijiyay caalamka in fursadiisa labaad ee uu dalka ku hogaamin doono ay ku bixin doonto sidii soomaaliya looga sifeyn lahaa alshabaab

Madaxweyne xasan sheekh ayaa markii u horeysay shaaciyay in dhulkii laga xoreeyay kooxda alshabaab loogu tagay beero ay ku beerayeen xashiish kaasi oo kooxda ay ka sameyn jirtay dhaqaale badan adaxweynaha ayaa sheegay in kooxda ay xashiishkaasi u beeraysay si ay dadka ugu duleeyaan xilli ay dowlada ku jirto dagaal kale oo ka dhan ah waxyaabaha maanka-dooriya kaasi oo ka socda magaalada muqdisho iyo gobollada dalka

Sidoo kale waxa uu bogaadiyay tallaabadii u dambeysay ee guddoomiye madaale ka sameeyay magaalada muqdisho wuxuuna shaaciyay in dowlada ay wado shuruuc lagu xakameynayo nooc kasta oo waxyaabaha maanka dooriya ah madaxweynaha ayaa ugu dambeyntiina waxa uu sheegay in dowladda ay tallaabooyin dhowr ah u qaaday sidii ciidamada dowlada gaar ahaan kuwa caasimada looga nadiifin lahaa waxyaabaha maandooriyaha ah

Xilli ay caasimada ka yaraadeen dilalkii ay mararka qaar ciidamadu ka geysan jireen tan iyo bishii ogoosto ee sanadkii hore ayaa ciidamada xooga dalka Somaliyeed waxa ay si wadajir ah u qaadeen weeraro ka dhan ah alshabaab waxana wejigii koowaad ee howlgalada ka dhanka ah alshabaab ay ka fuliyeen gobolada dalka lagu dilay in ka badan 2,000 oo mintidiin ah iyo xoreynta dhowr magaalo oo waaweyn

Post a Comment

0 Comments