Horjoogayaal Al-Shabaab ah oo gacanta lagu soo dhigay

Kooxda alshabaab


 Dowladda federaalka soomaaliya ayaa shaacisay in ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ee ku sugan degmada Ceeldheer ee gobolka galgaduud ay gacanta ku soo dhigeen horjoogayaal ka tirsan kooxda alshabaab horjoogayaasha ay sheegtay dowlada in gacanta lagu sheegay ayaa dhan saddex horjooge oo ciidamada huwanta ay ku daba jireen dhowrkii maalmood ee lasoo dhaafay

Sida lagu shaaciyay qoraal kooban oo kasoo baxay wasaaradda warfaafinta dowladda federaalka soomaaliya dhowrkii maalmood ee lasoo dhaafay ayey ciidanku ku raad-joogeen sedaxdooda kuwaas oo ku dhuumaaleysanayay deegaanka Hul-caduur ayaa lagu yiri qoraalka wasaaradda warfaafinta oo ay baahisay warbaahinta dowladda

Howl-galkan lagu soo qabtay horjoogayaasha ka tirsan kooxda AlShabaab ayaa waxaa laga fuliyay deegaanada hul-caduur iyo xalaneey qoraalka dowladda ayaa sidoo kale waxaa lagu shaaciyay magacyada horjoogayaasha saddexda ah ee ciidamada huwanta gacanta kusoo dhigeen, kuwaasi oo kala ah; shire cabdi maxamed, cali abgaaloow iyo maxamuud calasoow

Saddexdan horjooge ayaa waxay dowladdu sheegtay inay lacago baad ah kooxda alshabaab uga qaadi jireen gaadiidka safarka ah, kuwaasi oo in muddo ahna ka tirsanaa kooxda howl-galkan ayaa imanaya xilli uu dalka si hordhac ah uga bilowday wejiga labaad ee dagaalka kooxda alshabaab ka dhanka ah kaasi oo wejigiisa labaad ee rasmiga ay qeyb ka noqonayaan ciidamo ka socda dalalka ay ciidamada ka joogaan soomaaliya

Si kastaba maalmihii u dambeeyay ayaa waxaa si dardar leh ku socday howl-galada ay gobolka galgaduud ka wadaan ciidan xoogga dalka iyo kuwa deegaanka oo ka talaabay gobolka shabeellada dhexe kaasi oo lagu xoreeyay deegaano ay sanado badan gacanta ku haysay kooxda

Post a Comment

0 Comments