Hay’adda sirdoonka iyo nabad-sugidda qaranka ee nisa ayaa heshay qorshe ay alshabaab lacag uga qaadaneyso ganacsatada muqdisho

Kooxda alshabaab


 Hay’adda sirdoonka iyo nabad-sugidda qaranka ee nisa ayaa shaacisay inay heshay xogta shabaab isku dayaya inay si dhuumaaleysi ah kusoo galaan deegaanka sabyo oo kamid ah deegaanada hoostaga degmada afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose warbaahinta dowladda oo soo xiganeysa xogta sirdoon ee heshay nisa ayaa sheegtay in qorshaha shabaab-kaasi uu yahay sidii ay halkaasi ugu yeeri lahaayeen ganacsatada uguna baadaan xoolahooda

Xilli uu socdo dagaal culus oo ka dhanka ah kooxda AlShabaab kooxda ayaa tan iyo markii uu billowday dagaalka dhowrka jiho leh waxaa saamayn wayn ku yeeshay talaabooyinka ay qaaday dowladda federaalkasoomaaliye ee gabi ahaanba lagu soo xiray waddooyinkii ay hantida shacabka soomaaliyeed uga baadi jireen

Ciidanka NISA ayaa horay waxay u bur-buriyeen dhamaan maxkamadihiii iyo xarumihii ay dadka ugu yeeri jireen alshabaab kuwaasi oo ku yaalay duleedyada muqdisho iyo deegaanno hoostaga gobolka shabeellaha hoose sidoo kale waxaa xabsiga la dhigay dad la macaamilay kooxda ganacsato lacago baad ah siiyay iyo kuwa doonayay inay ugu tagaan meelaha ay joogaan oo ciidamadu ay gacanta ku soo dhigeen

Dowladda federaalka ah ee soomaaliya ayaa 23-kii bishii october ee sanadkii hore soo saartay digniino ku saabsan joojinta la macaamilka dhaqaale ee shabaab oo dagaal culus uga socdo qeybo kamid ah dalka dowladda ayaa xiligaas la wadaagtay dadweynaha lambaro ay ugu tala-gashay in shacabka soomaaliyeed kula soo wadagaan xogaha ku saabsan “haddii ay arkaan dhaqaale shabaab loo qaadayo ama ay qaadanayaan nooca uu doono ha ahaade.”

Si kastaba dowladda ayaa ku guuleysatay inay xirto boqolaal akoon iyo lambaro ay kooxda u isticmaali jirtay lacagaha baada ah ee ka qaado umadda soomaaliyeed waxaana dardar xooggan ku socda dadaalada lagu wiiqayo awooda dhaqaale ee kooxda

Post a Comment

0 Comments