Firaaqa ku yimid dagaalka Al-Shabaab oo ay ka dhalatay saddex dhibaato oo weyn

Kooxda alshabaab


 Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa dhowr bilood kahor sheegtay inuu dhamaaday wejigii koowaad ee dagaalka kooxda alshabaab loona diyaar-garoobayo wejiga labaad tani waxay dhashay in aanay dowladda dagaallo qorsheysan qaadin taas caksigeedana kooxda alshabaab ayaa si weyn uga faa’iideysatay

Hakadka ku yimid howl-galadii dardarta ku socday ee dowladda federaalka iyo shacabka soomaaliyeed waxay AlShabaab ka faa’iiday saddex arrimood oo kala ah

1. Lacag aruursi: Sida aan kasoo xiganay qaar kamid ganacsatada muqdisho tan iyo markii uu hakadka ku yimid weeraradii joogtada ahaa ee dowladda ku haysay alshabaab waxaa bilowday in kooxda ay dib usoo cusbooneysiiso lacagihii baadda ahaa ee ay ka qaadi jirtay ganacsatada Muqdisho mid kamid ah jihooyinkii laga naafeeyay kooxda alshabaab ayuu dhaqaaluhu ahaa

Laakiin fursadan waxay kooxdu uga faa’iideysatay dhaqaale aruursi xoog leh xogaha dheeriga ah ee mawduucan la xiriira ayaa waxay sheegayaan inay kooxdu u hanjabtay ganacsato ka cago jiiday bixinta lacagaha taas oo keentay inay ganacastada qaar ka cararaan magaalada muqdisho

2. Aargoosi: alshabaab waxay dileen dhowr qof oo kasoo jeeda beelaha uu dagaalku kala dhaxeeyo muddooyinkii lasoo dhaafay fursada ay ka heleen dagaaladii cuslaa oo ka istaagay ayaa loo arka inay keentay in dadku isdhigtaan, iyaguna aargoosi sameeyaan 

3. Weeraro joogto ah: kooxda alshabaab waxay maalmo kahor weerar ku qaaday fadhiisimo ciidan oo ku yaalla duleedka magaalada beledweyne iyo deegaanka baarsaguuni ee gobolada hiiraan iyo jubbada hoos tan iyo markii dagaalada cuslaa laga joojiyay kooxda waxay alshabaab weerar ku qaaday galcad, janaay-cabdalle, ruun-nirgood iyo goobo kale halkaas oo khasaarooyin badan ka dhasheen

Inay kooxdu awoodo in weerar abaabulan ku qaado fadhiisimaha ciidanka dowladda soomaaliya waxaa loo sababeeynayaa firaaqa ka dhashay ku mashquulka dowladda ee isku diyaarinta wejiga labaad ee dagaalka intaan ka badan ma la sugi karaa alshabaab?. dadka arrimaha amniga ku takhasusay waxay sheegayaan in hab qaldan dowladda u wajahday kala wareega labada weji dagaal taas oo dhashay firaaq faa’iido siiyay kooxda alshabaab

Intaan ka badan in aan la sugi karin oo ay tahay in dowladdu si uun u billowdo wejiga labaad ee dagaalka ayaa kamid ah tallooyinka lasoo jeediyay wararku waxay sheegayaan in dowladda federaalka ah ee soomaaliya ay ku jirto maalmihii u dambeeyay ee diyaar-garowga wejiga labaad ee dagaalka

Balse waxaa tallooyinka la bixiyay kamid ah in qeyb kamid ah shaqada dagaalka lasii wado si loo dhimo fursadaha kooxda iyo dhibaatooyinka ay u geysaneyso shacabka Soomaaliyeed iyo ciidanka dowladda

Post a Comment

0 Comments