Caqabadda ugu weyn ee Soomaaliya ka hor taagan inay ka adkaato Al-Shabaab

Kooxda alshabaab


 Soomaaliya waxay la tacaaleysa mid kamid ah kooxaha argagixisada ah ee ugu awoodda badan aduunka balse dhinaca kale waxa 31 sano saaran cuna-qabateyn dhinaca hubka ah waxa soomaaliya booqday xoghayaha guud ee qaramada midoobay Antonio Guterres wuxuu la kulmay madaxweynaha soomaaliya xasan sheekh booqashada xoghayaha guud ee QM waxay ku soo aadeysa waqti ay soomaaliya la tacaaleyso alshabaab iyo abaar

Madaxweyne Xasan Sheekh oo uu garab taagan yahay xoghayha guud ee QM antonio guterres ayaa soo hadal qaaday mawduuca cuna-qabateynta hubka alshabaab waa mid kamid ah labada kooxood ee ugu awoodda badan argagixisada ka jirta qaarada afrika halka dowlada Somalia ay tabar militari iyo mid dhaqaale-ba ay weli ku tiirsan tahay midowga afrika iyo dalalka reer galbeedka

Madaxweynihii xafiiska baneeyay ee soomaaliya maxamed cabdullaahi farmaajo iyo madaxweynaha hadda tallada haya xasan sheekh labaduba waxay ka siman yihiin dalabka ah in soomaaliya laga qaado cuna-qabateynta hubka si ay ugu sahlanaanto dhismaha ciidan tayo leh oo haysta hub ku filan sugida amniga dalka iyo soo afjarida argagixisada

Dalalka caalamku waxay marwalba leeyihiin waa in soomaaliya laga caawiya inay ka adkaato alshabaab hadana looma ogola hub ku filan in kooxda la wiiqo micnuhu wuxuu u eekaan kara mashruuc aan dhamaad loo rabin ayay leeyihiin dadka ka faaloonaya arrintaan dowlada Soomaaliya waxay dhowr jeer ku cel-celisay inay ku kalsoon tahay inay ka adkaan karto alshabaab iyo daacish

Laakiin waxaa dhinaca kale aan la inkiri karin inay hub baahsan wajahayaan ciidamada dowladda Soomaaliya ee loo diyaariyay inay cirib-tiraan argagixisada soona celiyaan amnigii iyo xasiloonidii dalka kal hore golaha amaanka ee qaramada midoobay ayaa garwaaqsaday in soomaaliya laga khafiifiyo cuna-qabateynta hubka taas oo wax badan u tartay soomaaliya

Post a Comment

0 Comments