Amiirka AShabaab oo lagu arkay shir ay kooxdu ku qabsatay Jubbada Dhexe

Kooxda alshabaab


 Kooxda alshabaab ayaa shaacisay in lasoo gaba-gabeeyay shirweynihii labaad ee wada-tashiga wax ay kooxdu ugu yeertay jihaadka ka socda Bariga Afrika kaasi oo ka qabsoomay gobolka jubbada dhexe inkasta oo aan la shaacin goobta uu sida gaar ah uga dhacay shirkan oo ay ka qeyb-galeen in ka badan 100 xubnood oo isugu jira madaxda culimada iyo odayaasha kooxda alshabaab ayaa waxay warbaahinta kooxda ay shaacisay inuu ka qeyb-galay amiirka alshabaab axmed cumar abuu cubeyda

Sawirro ay kooxda baahisay ayaa muujinaya abu cubeyda oo dhex fadhiya shirka balse kooxda ayaa qarisay wejigiisa oo sawiradiisa ku furtay humaag kooxda ayaa sheegtay in shirkan uu socday muddo sideed maalmood ah ayada oo warbaahinta Al-Shabaab ay baahisay war-murtiyeed iyo fatwo kasoo baxay shirkan oo ay u dhan yihiin dhamaan dhinacyada kasoo qeyb-galay

Kulankan ayaa waxaa lagu gorfeeyay marxaladda uu marayo wax ay kooxdu ugu yeerto “jihaadka bariga afrika iyo shirqoolada kala duwan ee uu cadowgu usoo maleegayo si loo xagal daaciyo halganka jihaadka sida lagu sheegay bayaanka kasoo baxay shirkaan oo ahaa mid qarsoodi ah ayaa waxaa la sheegay inuu ka dhacay deegaan kamid ah Jubbada Dhexe

Waxaana ka dhex muuqday sawirada laga baahiyay dhamaan culimada kooxda alshabaab ka tirsan waxaa xusid mudan in qofka kaliya ee wejigiisa la qariyay uu ahaa amiirka kooxda alshabaab oo muddooyinkii dambe warar la faafiyay ay sheegayeen inuu xanuunsanayo amiirka alshabaab axmed cumar abuu cubeyda oo ah nin aan wax badan laga aqoon

Marka laga reebo beesha uu kasoo jeedo ayaa sidoo kale la hayn muuqaallo rasmi ah oo lagu aqoonsan karo si kastaba arrintaan ayaa waxaa durba ka dhashay hadal hayn xooggan ayada oo dadka qaar ay ku macneeyeen inay tahay dib u dhac sirdoon maadaama ay hay’adda sirdoonka soomaaliya ay ogaan weyday dhicitaanka shirka intaas la’eg ee 

Kooxda alshabaab ay ku qabsatay gudaha soomaaliya xilli ay muddooyinkii dambe soo warineysay waxa ka socda gudaha kooxda 

Post a Comment

0 Comments