Mareykanka oo War kasoo saaray Duqeyn cusub uu ka fuliyay gudaha Somalia

Kooxda alshabaab


 Taliska mareykanka ee afrika (AFRICOM) ayaa faah-faahin dheeraad kasoo saaray duqeyn ka dhacday magaalada jilib ee gobolka jubadda dhexe mareykanka ayaa shaaciyay in weerarkan laba maalmood kahor laga fuliyay Jilib, oo ah xarunta u weyn ee kooxda alshabaab howl-galkan ayaa la fuliyay iyada oo la kaashanaysa dowladda federaalka soomaaliya

Africom ayaa qaaday weerar cirka ah oo ka dhan ah kooxda AlShabaab ee soomaaliya 20-kii maajo 2023 taliska ma shaacin bartilmaameedka rasmiga ah ee duqeynta inkasta oo ay dowladda federaalka sheegtay in lagula beegsaday bartilmaameedyo gaar ah, islamarkaana uu geystay khasaare xooggan oo isugu jira dhimasho, dhaawac iyo xarumo la burburiyay

Bayaanka kasoo baxay africom ayaa waxaa lagu sheegay in qiimaynta ugu horraysa ee taliska ay muujineyso in aysan jirin dad rayid ah oo ku dhaawacmay ama ku dhintay weerarkan taliska mareykanka ee afrika ayaa qaadaya tallaabooyin waaweyn oo looga hortagayo dhaawacyada rayidka ilaalinta dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan ayaa weli ah qayb muhiim ah oo kamid ah hawl-gallada taliska

Si kor loogu qaado afrika ammaan badan oo xasilloon dhinaca kale wakaaladda wararka dawladda soomaaliya ee SONNA ayaa goor sii horeysay baahisay in duqaynta lala beegsaday xarunta ururka alshabaab ee jilib islamarkaan uu jiro khasaare xooggan majirto faah-faahin intaas ka badan balse waxaa la filayaa in dowladda federaalka ay soo saarto bayaan lagu faah-faahinayo howl-galkan gaarka ah ee ka dhacay jilib

Howl-galkan ayaa imanaya xilli ay dhawaan kooxda alshabaab ay shir qarsoodi ah oo looga hadlayay waxay ugu yeerto ihaadka ka socda bariga afrika kaasi oo lagu qabtay gobolka jubbada dhexe shirkaas oo ay ka qeyb-galeen in ka badan 100 xubnood oo isugu jira madaxda culimada iyo odayaasha kooxda alshabaab ayaa waxay warbaahinta kooxda ay shaacisay inuu ka qeyb-galay amiirka alshabaab axmed cumar abuu cubeyda

Post a Comment

0 Comments