Mareykanka oo duqeyn ku burburiyay hubkii ay alshabaab ka qaateen atmis

Taliska africom


 Taliska ciidamada mareykanka ee africom ayaa warsaxaafadeed uu soo saaray kaga hadlay duqeyn dhanka cirka ah oo ay ka fuliyeen magaalada Buulo-Mareer oo qiyaastii 120km dhanka koonfureed uga beegan muqdisho mareykanka ayaa shaaca ka qaaday in duqeyntan uu la beegsaday dagaalyahano ka tirsan kooxda alshabaab 

Isla-markaana qayb ka ahaa kuwii weerarka kusoo qaaday saldhig ciidamada uganda ay ku lahaayeen magaalada buulo-mareer ee gobolka Sh/ Hoose qoraalka kasoo baxay africom waxa lagu sheegay in weerarkan dhanka cirka ah lagu burburiyay hub iyo agab kale oo alshabaab ay ka soo qabsasdeen xerada atmis

Ma shaacin taliska africom ee mareykanka khasaaraha dhimashada iyo midka dhaawaca ah ee AlShabaab kasoo gaaray weerarkaasi ee ay ka fuliyeen magaalada buulo-mareer sidoo kale waxaa warsaxaafadeedka lagu sheegay in uusan jirin  qof shacab ah oo wax ku noqday duqeyntaasi oo ay la beegsadeen xoogaga hubeysan ee alshabaab

Mareykanka ayaa sidoo kale intaasi kusii daray inuu sii wadi doono taageerada uu siiso somaliya gaar ahaan garab istaagiisa dagaalka ka dhanka ah kooxda alshabaab waxaan ku garab taaganahay saaxibadeena somalia iyo midowga afrika dagaalka lagula jiro jabinta argagixisada iyo horumarinta iyo xasiloonida dadka soomaaliyeed ayuu yiri afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda mareykanka, kadib weerarkii buulo-mareer

Weerarkii buulo-mareer oo ay sheegatay kooxda alshabaab ayaa waxaa ay shaacisay inay ku dishay in ka badan illaa 137 askari oo ka tirsan howl-gaka midowga afrika ee atmis gaar ahaan kuwa uganda oo ku sugnaa iyagu saldhiga ay weerarka ku qaadeen dagaal-yahaanada kooxda. S

Sheegashada kooxda si madax-banaan looma xaqiijin karo si kastaba weerarkan waxaa si weyn u cambaareeyay QM mareykanka iyo dowlado kale oo waa weyn kuwaas oo qayb ka ah dalalka taageera dowladda federaalka soomaaliya

Post a Comment

0 Comments