Alshabaab oo mar kale weerar culus ku qaaday xero ay leeyihiin ciidanka atmis ee ugandha

Kooxda alshabaab


 Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in mar kale ay alshabaab xalay fiidkii hore weerar culus ku qaadeen xero ciidamada atmis gaar ahaan kuwa uganda ay ku leeyihiin duleedka degmada qoryooley weerarkan ayaa waxaa lagu soo warramayaa inay kooxda alshabaab u adeegsatay madaafiic ay ku garaacday saldhig ciidamada uganda ku leeyihiin koonfura qoryooley

Sidoo kale waxaa xigay weerarka AlShabaab madaafiic kale oo ay dhankooda ku jawaabeen ciidamada ku sugnaa saldhigga ay weerareen xoogaga alshabaab sidoo kale weerar labaad oo rogaal celis ayaa la sheegay inay alshabaab isla saq dhexe ee kusoo qaadeen xerada atmis kaas oo isna ahaa hoobiyeyaal ay soo tuureen sida ay innoo sheegeen qaar kamid ah dadka deegaanka ee ku dhaqan gudaha degmadaasi

Shacabka ayaa waxaa sidoo kale soo wajahay cabsi xoogan, maadaama daryanka hubka culus ee ay si weydaarsanayeen labada dhinac laga maqlayay meelo fog fog lama oga haddii uu jiro khasaare soo gaaray dadka rayidka ah mana cadda sidoo kale haddii uu khasaare kala gaaray dhinacyada madaafiicda isku waydaarsaday qoryooley xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan

Waxaana lagu soo warramayaa in maanta ciidamada ATMIS iyo kuwa dowladda ay isku fidiyeen agagaarka magaaladaasi, oo ay ka bilaabeen dhaq-dhaqaaqyo iyo howlgal lagu baadi goobayo xubnaha weerarka soo qaaday jimcihii ayay aheyd markii weerar culus oo qaraxyo ku billowday ay alshabaab cagta ku marisay saldhiga ay ciidanka atmis gaar ahaan kuwa dowladda uganda ay ku leedahay magaalada buulo-mareer ee gobolka shabeelaha hoose

Kaas oo ay kooxdku sheegtay inay ku dishay illaa 137 ka tirsanaa ciidamada ku sugnaa xerada kuwa kelana ay qabatay muddooyinkiii u dambeeyay alshabaab ayaa kordhisay weerarada ay ku beegsaneyso saldhigyada ciidamada dowladda iyo kuwa midowga afrika ee ku yaalla koonfura iyo bartamaha soomaaliya oo weli ka socdaan guluf ay garwadeen ka tahay dowladda dhexe

Post a Comment

0 Comments