Markii uu dhashay ayey waalidkiisu ka argagexeen foolxumadiisa

Dhacdooyinka caalamka

 Jono lancaster waa 37 jir kasoo jeeda magaalada galbeedka yorkshire ee boqortooyada ingiriiska wuxuu ku dhashay xaalad afka sayniska loo yaqaan ‘Treacher Collins’ taas oo ah cudur hidde side oo qofka wajigiisu noqonayo mid aan si caadi ah u samaysmin waa taas sababta ay waalidkiis u xooreen markii uu dhashay

Labadii waalid ee dhalay jono ayaa ka tagey 36 saacadood uun ka dib markii uu dhashay ka dibna waxaa qaadday oo nuujisay jean markii uu laba toddobaad uun jiray xaaladda Jono ayaa ah mid uu ilmuhu ku dhalanayo isaga oo aanay jirin labada lafood ee koodadka ama dhafoorrada loo yaqaan ee ku yaal indhaha hoostooda taas oo sida muuqata wajiga qofka ku yeelanaysa saameyn qaab dhismeed

Jean waxay si sharci ah u korsatay jono ilmaheedana uga dhigatay markii uu shan sanoi jir ahaa way i nuujisay aniga oo markaas laba isbuuc oo kaliya jira markii aan shan sano jir gaarayna si rasmi ah ayey ii diiwaan gelisay ilmaheeda ahaan jean ayaa noojin jirtay isla markaana korsatay caruur kale oo qaba xanuuno kala duwan wuxuuna jono ka mid ahaa caruurtaas

Jono oo dib u xasuusanaya noloshiisii dugsiga ayaa sheegay in uu xasuus fiican ka haysto xilliyadii uu dhiganayey dugsiga sare balse xasuustaas waxaa la koray aniga oo isku dayaya in aan ka mid noqdo bulshada ayuu yiri ciyaalka isaga ka weyn ayuu sheegay in ay hoos u eegi jireen iyaga oo xitaa ka sameeyay heeso aan wanaagsanayn oo qalbigiisa dhaawacaya

Markii uu qaan gaaray Jono ee kuwii jilkiisa ahaa ay xiriirro samaysteen isagana uu damac xiriir galay ayuu sheegay in taasi aysan suurta gelin wejigiisa awgii wuxuuna yiri markaas ayaan bilaabay in aan wejigayga naco wuxuuna bilaabay in uu soo xasuusto waalidkiisa isaga oo sida uu sheegay nacayb u qaaday labadii waalid ee dhalay

Waxaan doonayey in aan u xanuujiyo sida aan qalbiga uga xanuunsanayo oo kale waxaan dhab ahaantii galaa xanaaq daran marka aan soo xasuusto labadii i dhashay dhanka kale jono wuxuu donayey in uu helo waalidkiis si uu ugu sheego in uu fiican yahay farxadna dareemayo wuxuu u qoray warqad laba toddobaad uun kadibna waxaa soo gaadhay warqad jawaab ah oo ay ku qoran tahay

Ma doonayno wax wada xiriir ah isku dayga xiriir ee aad samayso waa la iska indha tiri doonaa waxaana ku saxiixnaa warqadda sida uu sheegay jono labadiisii waalidba mar kale in ay labadan qof iska kay fogeeyaan ayaa aad ii xanuujisay ayuu yiri jono wuxuu hadda qorayaa buug uu ugu yeeray ‘Not all Heroes ware cap” oo ah odhaah loo adeegsado dadka abaalka weyn gala ama xaaladaha adag kasoo gudbo ee aan la buunbuunin

Sannado ka hor ayaa mar la iga codsaday in aan hadal jeedin u sameeyo caruur dugsiga dhiganaysa, qaarkood ayaa igu soo orday waxayna i dheheen jono hooyaday iyo aabahay ma aqaan jono waxaa la igu takooray sidan iyo sidan waxaana halkaas ku go’aansaday in aan arrintan wax ka qabto

Wuxuu ku saabsan yahay buugiisu qaar ka mid ah dadka uu la kulmay noloshiisa oo uu halyeeyo ku tilmaamay iyo sida isaga qudhiisu uu u noqday halyey runtu waxay tahay in noloshayda uu jacayl ka buuxo ayuu yiri Jono lancaster ilmaha ay waalidkiis ku neceen qaab muuqaalkiisa balse hadda ah mida ay ku daydaan dad badan

Post a Comment

0 Comments