Ninkii alshabaab u qaabilsanaa baadda shacabka reer muqdisho ayaa lagu dilay duleedka degmada afgooye ee gobalka Shabeellaha Hoose

Kooxda alshabaab


 Ciidanka hey’adda sirdoonka iyo nabad sugida qaranka ee nisa ayaa maanta dilay ninkii alshabaab u qaabilsanaa baada iyo qalqal galinta ganacsatada iyo shacabka muqdisho qoraal ka soo baxay dowladda ayaa lagu shaaciyey in ninkaas ayaa lagu toogtay duleedka degmada afgooye ee gobalka Shabeellaha Hoose

Sarkaalkaas waxaa lagu magacaabi jiray Cali Raaxo wuxuuna kooxda wakiil uga ahaa inuu si dhuumaaleysi ah ganacsatada iyo shacabka muqdisho lacago baad ah uga qaado waxaa lasoo bandhigay telfoonadii uu cali raaxo ka soo wici jiray dadka reer muqdisho iyo meydkiisa oo la aqoonsa karo

Meelaha uu dadka ugu yeeri jiray sida dhuumaalysiga ah waxaa ka mid ah deegaannada garas-gawaan, gandarshe, ceelasha biyaha lafoole ilaa galka saalimow, sida lagu sheegay qoraalka ciidanka ammaanka oo mudo dheer uruurinayey xogta dhagarqabahaan ayaa ku raadjoogay waxaana ugu danbayn shartiisa la dhaafiyay dadka Somaliyeed ee ku nool caasimadda muqdisho

Kuwaas oo khatar weyn uu ku ahaa hantidooda iyo naftooda ayaa lagu yiri qoraalkaan lagu baahiyey warbaahinta dowladda qoraalka ayaa intaas ku sii daray danbiile cali raaxo wuxuu Khawaarijta ka mid noqday sanadkii 2014-kii wuxuna ilaa markaas uu khawaarijta u qaabilsanaa baada hantida muwaadiniinta soomaaliyeed iyo basaasida dadka macnaha u leh bulshada si ay u bartilmaameedsadaan khawaarijta

Tan iyo markii la doortay madaxweyne xasan sheekh dowladda soomaaliya ayaa xoogga isugu geysay beegsiga xubnihii shabaab-ka ee dhibay dadka reer muqdisho kuwaas oo noqday kuwo la dilay iyo kuwo cararay

Post a Comment

0 Comments