Dowladda Uganda ayaa war cusub kasoo saartay weerarkii Al-Shabaab ay ku qaaday ee Buulo Mareer

 

Kooxda alshabaab

 Dowladda Uganda ayaa war cusub kasoo saartay weerarkii toddobaad kahor ay kooxda alshabaab ku qaaday saldhiga ciidankeeda ee buulo mareer kaasi oo looga laayay askar badan afhayeenka ciidamada uganda felix kulaigye oo la hadlay voa'da ayaa shaaciyay in saraakiil iyo askar kamid ah kuwii ku sugnaa buulo mareer ay ku badbaadeen agagaarka iyo meel kamid ah saldhigaasi

Waxa uu sheegay in askartaan la helay kadib markii ciidamada uganda ay dib u qabsadeen saldhigoodii Buulo Mareer kaasi oo markii hore la sheegay inay si cagmarin ah kula wareegeen dagaal-yahaanadii alshabaab ee weerarka ku qaaday tirada la xaqiijiyaya ee saldhiga iyo agagaarkiisa laga helay waa 4 askari oo isugu jiray sarkaal iyo saddex kale oo darajooyin kale lahaa oo laga helay saldhiga iyo meelo ku xeeran saldhiga

Aad ayay daciif u aheyd ayuu yiri afhayeenka oo ka hadlay xaaladda askartaasi ka badbaaday weerarkaasi sidoo kale waxa uu sheegay in mid kamid ah afartaasi oo sarkaal ahaa uu lugta dhaawac kasoo gaaray balse uu badbaaday weerarka buulo mareer ayaa waxaa la sheegay in uganda looga dilay illaa 54 askari sida uu shaaciyay madaxweynaha dowladda uganda yoweri museveni

Tiradan ayaa aad uga yar midda horay ee shaaciyeen AlShabaab oo gaareysa illaa 137 askari oo ka tirsan ciidamada uganda sheegashadan ma ahan mid si madax-banaan loo xaqiijiyay si kastaba weerarkii buulo mareer oo dhacay 26-kii bishii hore ee may ayaa kamid noqday mid kamid ah weeraradii ugu khasaaraha badnaa ee ay kooxda alshabaab kala kulmaan ciidamad atmis

Madaxweynaha uganda ayaa horay u sheegay in weerarkaasi ay soo qaadeen illaa 800 oo xubnood isaga oo qiray inay cagta mariyeen saldhigga ciidanka uganda ee buulo mareer waxa kale oo uu soo hadal qaaday sida lagu jebiyay ciidamadiisa wuxuuna sheegay in ay argagaxeen taasina ay ka faa’iideysteen xubnaha alshabaab qaar kamid ah askartii halkaas sugneyd ayaan soo bandhigin waxqabadkii laga filayay argagax ayeyna ku dhaceen

Taas oo keentay inay is habeeyaan alshabaab-na ay ka faa’iideysteen ayuu yiri madaxweynaha dalka uganda yoweri museveni sidoo kale waxa uu intaas ku daray howl-galada soomaaliya iyo masraxada kale waa howlgallo dagaal ee maaha howlo samafal oo aad ka heli karto gunnooyinka QM

Post a Comment

0 Comments