Howlgal ka dhacay Baladul Amiin oo lagu dilay 20 ka tirsanaa Al-Shabaab

 

kooxda alshabaab

 Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal culus oo maanta ciidamada dowladda somaliya ay ka sameeyeen gudaha deegaanka Baladul Amiin oo ka tirsan gobolka shabeelaha hoose ee koonfurta dalka somalia howlgalkan oo ahaa mid qorsheysan ayaa waxaa si wadajir ah u sameeyay ciidamada xoogga dalka somaliyeed kuwa nisa iyo sidoo kale saaxibada caalamiga ah

Wasiirka warfaafinta somalia Daa’uud Aweys oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada muqdisho ayaa sheegay in howlgalkan lagu beegsaday xubno ka tirsan kooxda alshabaab oo isku uruursanayay halkaasi isla-markaana qorsheynayay inay weeraro soo qaadaan waqtigan aan idinla hadleyno wuxuu howlgal ka socdaa meesha la yiraahod baladul amiin oo gobolka shabeelaha hoose ka tirsan

Halkaas oo ay khawaarijta isku dayayaan inay weeraro ka fuliyaan iskuna aruursanayeen balse ay ka war heleen ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed iyo saaxibada caalamiga ayuu yiri wasiirka warfaafinta somaliya sidoo kale wuxuu xaqiijiyay in howlgalkan lagu dilay ugu yaraan 20 ka tirsanaa kooxda alshabaab welina uu socdo sida uu hadalka u dhigay

Inta naloo soo xaqiijiyay waxaa howlgalkan lagu dilay illaa labaatameeyo ka tirsanaa khawaarijta alshabaab wixii dheeraad ah waa idinla socod siin doonaa ayuu raaciyay dhanka kale wasiirka oo soo saaray warbixinta todobaadlaha ah ee dowladda ayaa shaaca ka qaaday inuu bilaabanayo wajiga labaad ee dagaalka alshabaab isla-markaana ay ka qayb qaadanayaan waddada dariska gaar ahaan jabuuti, kenya iyo sidoo kale itoobiya

Waxaa xusid mudan in waddamada dariska ah ee qatarta khawaarijta nala dareemaya ay iyaguna qayb ka yihiin howlgalkan ayuu mar kale yiri wasiir daa’uud aweys wasiirka ayaa intaasi kusii daray haddii soomaaliya laga suuliyo khawaarijinta waxaa dhici kara inay u gudbaan waddamada dariska ah waxaana kamida kenya, jabuuti iyo itoobiya

Post a Comment

0 Comments