Maxay yihiin ciidanka ka yimid Talyaaniga ee maanta soo gaaray MUQDISHO?

ciidan soomaaliya

 Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa maanta soo gaaray cutubyo ka tirsan Ciidamada Booliska Soomaaliya, kuwaas oo tababar kusoo qaatay dalka Talyaaniga oo kamida dalalka waa weyn ee taageero dowladda dhexe.

Ciidamadan ayaa waxaa gudaha garoonka kusoo dhoweeyay Taliye ku xigeenka Booliska Soomaaliya, Sarreeye Guuto Cismaan Maxamed Cabdullaahi (Kaniif), safiirka Talyaaniga u joogo Muqdisho iyo saraakiil kale oo ugu tegay garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde.

Taliye Kaniif oo ka hadlay munaasabadda soo dhoweynta ayaa khudbad dardaaran ah u jeediyay askartan ay dowladda Soomaaliya usoo tababaray Talyaaniga “Waxaan idinku amaanayaa dhabar adeegga, aqlaaqda iyo kartida aad ka muujiseen inta aad tababarka ku jirteen oo dalka aad ka maqneedeen” ayuu yiri taliye Kaniif.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in ay ka qayb-qaadan doonaan howlaha shaqo ee Booliska Soomaaliyeed, isaga oo ugu baaqay in ay si hufa ugu adeegaan dadkooda.

“Waxaad keenteen wanaag iyo sharaf aad kusoo siyaadiseen ciidanka Booliska iyo sharaf aad ugu adeegi doontaan dadkiina” ayuu sii raaciyay Taliye ku xigeenka ciidanka Booliska Soomaaliya oo hadalkiisa sii wata ayaa si gaar ah ugu mahadceliyay dowladda Talyaaniga oo isku xil-saartay tababarka ciidamadan cusub oo ku biiraya Booliska Soomaaliyeed oo haatan howlgallo ka wada gudaha magaalada Muqdisho.

“Ugu dambeyn waxaan u mahadcelinayaa dowladda Talyaaniga, safiirka iyo macallimiintii idin soo tababartay dhammaantood, guul ayaan idin rajeynayaa,'” ayuu mar kale yiri Talyaaniga ayaa kamid ah dalalka reer Yurub ee haatan xiriirka wanaagsan la leh Soomaaliya, wuxuuna taageero kala duwan siiyaa dowladda federaalka.

Si kastaba, ciidamadan cusub ee tababarka kusoo qaaday Talyaaniga ayaa kusoo aaday, xilli loo baahnaa, isla-markaana uu dalka ka socdo qorshe lagu sugayo amniga guud

Post a Comment

0 Comments