Kooxda alshabaab oo dad badan ka afduubtay gobolka shabeelaha hoose

Kooxda alshabaab


 Wararka aan ka heleyno gobolka Shabeelaha Dhexe aya waxa ay sheegayaan in xalay  kooxda alshabaab ay afduubteen dad badan oo shacab ah kuwaas oo ku sugnaa agagaarka degmada ruun-nirgood oo ka tirsan gobolkaasi dadkaan ayaa si gaar ah looga watay deegaanada kala ah ceelbacad iyo daaru-nicma oo hoostaga degmadaas oo horay loogala wareegay kooxda alshabaab

Guddoomiyaha degmada Ruun-nirgood oo wareysi gaar ah siiyay idaacadda kulmiye ayaa shaaca ka qaaday in kooxda maalmihii u dambeeyay ay culeys soo saartay degmadaasi dhibaatada wax badan ayay ku haayeen degmada ruun-nirgood dhowrkii bil ee ugu dambeeyay hadda dhibaatada ugu foolka xumeyd ayay ka geysteen oo ah afduub carruur, haween iyo waayeel ayuu yiri guddoomiyaha maamulka degmada ruun-nirgood

Sidoo kale waxa uu xaqiijiyay in dadka ay kaxeysatay kooxda ay ka badan yihiin illaa 30 qof oo isugu jiro carruur, haween iyo dad da’ ah illaa 30 iyo dhowr qof ayaan heynaa inay wateen AlShabaab ayuu hadalkiisa sii raaciyay gudoomiyaha maamulka degmada ruun-nirgood maleeshiyada afduubka geysatay ayuu tilmaamay inay kasoo tallaabeen xadka kala qaybiya gobollada galgaduud iyo shabeelaha dhexe oo ka tirsan galmudug iyo hirshabelle

Dhinaca gobolka galgaduud iyo shabeelaha dhexe is qabadka dhulkaas ayay kasoo dusaan waxay si dhuumaaleysi ah ku waxyeeleeyaan degmada ruun-nirgood guud ahaan gaar ahaan meeshan ceelbcad iyo daaru nicma ayuu kusii daray guddoomiyuhu ugu dambeyn wuxuu farriin u diray dowlada federaalka iyo hirshabelle oo uu ugu baaqay inay gurmad ciidan lasoo gaaraan

Si wax looga qabto dhibaatada ka taagan halkaasi gobollada galgaduud iyo shabeelaha dhexe ayaa kamid ah meelihii lagu jebiyay shabaab balse haatan oo ay istaageen howlgallada ayay kooxdu sameyneysa dib usoo kabasho

Post a Comment

0 Comments