Afduub ay geysatay Shabaab ‘oo looga aar-gutay’ carruurta iyo xaasaska madaxdooda

Kooxda alshabaab


 Cabdikariim Taakow oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa shaaciyay in dadka deegaanka ay kooxda Al-Shabaab kasoo afduubteen carruurtooda iyo xaasaskooda, kadib markii kooxda ay afduubatay dad birmageyda ah taakow ayaa sheegay in dadka deegaanka Daaru-Nicma ay arrintaas u sameeyeen si ay uga aar-gutaan kooxda lshabaab oo deegaankooda ka afduubtay caruur iyo haween.

Soomaalida waxay tiraahda qaniinyo qaniinyo ayaa ka fujisa, raggaasi maadaama uusan nagala dhaxeyn wax macaamil ah oo wada xaajood ah markii deegaanka ay ka wateen caruurtii, waxaa ka fikirnay qaabkii aan uga fal-celin laheyn arrintaas oo waxa noo soo baxday sidaas,” ayuu yiri

Waxa uu sheegay in carruurta iyo haweenka ay soo wateen dadka deegaanka Daaru-Nicma ay yihiin ilmo ay dhaleen qaar kamid ah madaxda kooxda Al-Shabaab ee deegaankaas u dhashay iyo xasaaskooda.

Dadkaas ayaa soo wadanay si ay u dareemaan xanuunka dareemeyn waalidiinta carruurtooda iyo ilmahooda la ka xeeyay,” ayuu yiri Cabdikariim Taako oo u waramay warbaahinta dowladda ee Radio Muqdisho.

Sidoo kale waxa uu shaaciyay in dadka Al-Shabaab ay ka wateen dhan yihiin 36 qof, halka tirada dadka iyaga ay kasoo wateen kooxda ay dhan tahay 26 qof, islamarkaana ay ku howlan yihiin inay soo dhameystiraan tiro le’eg midda kooxda ay ka afduubatay deegaankaasi

Taako ayaa ka dhawaajiyay in arrintaan ay dadka deegaanka u sameeyeen maadaama uusan wada-xaajood kala dhaxeyn kooxda Al-Shabaab, sidaas darteed ay ka wajaheen meesha ay ka jilcan yihiin waxaas in aan sameyno waxyaabaha aan ka xishoonayno oo aan dhaqan ahaan u laheyn. Marka raadinay meesha ay ka jilcan yihiin ayaa noo soo baxday inay tahay

Post a Comment

0 Comments