Al-Shabaab oo xir-xirtay madax iyo xubno badan oo kooxda ka tirsan

Kooxda alshabab


 Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay xog cusub oo la xiriirta kooxda alshabaab taasi oo sheegaysa inay xir-xirtay horjoogayaal dhowr ah oo ka tirsanaa kooxda alshabaab horjoogayaashan ayay dowladdu sheegtay inay yihiin kuwa darajada dhexe, kuwaasi oo kooxda ku beegsatay degmooyin kala duwan oo dhowr ah, sida ay baahisay warbaahinta dowladda.

Sidoo kale waxay kooxda AlShabaab xir-xirtay maleeshiyaad badan oo la sheegay inay taabacsanayeen madaxda loo taxaabay xabsiga oo aan si rasmi ah magacyadooda loogu shaacin xogta ay baahisay dowladda federaalka soomaaliya sababta qaar kamid ah horjoogayaasha kooxda iyo maleeshiyaadka taabacsanaa loo xiray ayay xogtu sheegaysa inay salka ku hayso kala shaki soo kala dhex-galay xubnahaasi iyo madaxda sare ee kooxda

Cabsida haysata horjoogayaasha ugu sareeya Khawaarijta alshabaab ayaa sababtay in la xir-xiro qaar kamid ah horjoogayaasha darajada dhexe iyo maleeshiyaad badan ayaa lagu yiri xogta ay baahisay warbaahinta dowladda horjoogayaashan iyo xubnaha kale ee kooxda ka tirsanaa ayaa waxaa laga soo xiray magaalooyinka bu’aale, buulo-fuulaay, saakow, kuuuya-barrow iyo ceelbuur

Tallaabadan cusub ayaa imaneysa xilli kooxda alshabaab ay xir-xirtay horjoogayaal iyo maleeshiyaad ajaanib ah oo ku sugnaa gudaha soomaaliya kana barbar dagaalamayay kooxda, sida ay hore u shaacisay dowladda federaalka soomaaliya warbaahinta dowladda ayaa xilligaas baahisay magacyada qaar kamid ah horjoogayaasha ajaanibta ah ee la xiray

Kuwaasi oo ay ku kala sheegtay fu’aad baajuuni oo kasoo jeed dalka tanzaaniya iyo qudaama kenyaati oo dhalasho ahaan kasoo jeeda dalka kenya warbaahinta dowladda ayaa muddooyinkii dambe baahineysay inay soo badanayaan horjoogayaasha iyo maleeshiyaadka ajaaniibta ah ee ka hor imaanaya horjoogayaasha Soomaalida ah

Xubnahan ayaa lasoo wariyay in qaarkood si cad u sheegeen in aysan ka mid ahaan karin maleeshiyaadka alshabaab taas oo keentay in la khaarijyo ajaaniibta qaarkood oo awood ku dhex lahaa argagixisada halka kuwo kale xabsiga loo taxaabay sida ay baahisay warbaahinta dowladda

Si kastaba marka laga soo tago xogtan ay baahisay dowladda, waxay muddooyinkii dambe baahineysay waxyaabaha ka dhex socda kooxda, ayada oo hore baahisay in horjoogayaasha alshabaab ay dhexdooda is-ugaadhsanayaan kadib markii uu jab xooggan kasoo gaaray dagaalka ayna wajaheyso culeys dhaqaale oo baahsan

Post a Comment

0 Comments