Puntland oo qabatay ajaaniib ka tirsan kooxda Daacish

Kooxda daacish


 Faahfaahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya howlgal qorsheysan oo ay isniintii shalay ciidamada Puntland ka fuliyeen buuraleyda gobolka bari howlgalka oo si gaar ah uga dhacay buuraleyda camaamo ee degmada balli-dhidinn ayaa waxaa lagu beegsaday goobo ay ku sugnaayeen xubno ka tirsan kooxda daacish

Taliska ciidanka booliska puntland oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa shaaciyay in howlgalka ay qaadeen kadib xogo ay ka heleen dadka degaanka ee ku sugan halkaasi warbixinta kasoo baxday booliska waxa lagu sheegay in howlgalkan lagu soo qabtay ajaaniin kasoo kala jeeda dalalka Syria iyo Sudan

Kuwaas oo uu ku jir sarkaal sare oo lagu magacaabo maxamed ibraahim daaha sida lagu sheegay warsaxaafadeedkan waxay ciidanka booliska puntland gacanta kusoo dhigeen ajaaniib u dhashay dalalka syria iyo sudan uuna kamid yahay mohamed ibraahim daaha ayaa lagu yiri qoraalka booliska

Sidoo kale waxa uu talisku intaasi kusii daray in howlgalka ay sii wadi doonaan, isla-markaana ujeedkooda uu yahay inay burburiyaan xarumaha daacish ee ku yaalla halkaasi xaaladda ayaa haatan ah mid deggan waxaana weli deegaanada howlgallada laga sameeyay ku sugan ciidamada ammaanka puntland

Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxaya dhinaca kooxda daacish oo ku aadan howlgalkaas ee ay guulaha ka sheegatay dowlad goboleedka puntland daacish ayaa ku xoogan dhulka buuraleyda ah ee gobolka bari halkaas oo ay inta badan ka fuliso weeraro gaadmo ah oo ay ku qaado ciidamada ammaanka ee maamulka puntland

Post a Comment

0 Comments