Xog aan helnay ayaa sheegaya in cali jeyte uu iska diiday caasumaad ugu timid villa somalia

wararka maanta

 Xog ay heshay ayaa sheegeysa in guddoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan, Cali Jeyte Cismaan uu ku gacan seeray dalab uga yimid dowladda federaalka oo ku aadan in uu soo gaaro gudaha nmagaalada Muqdisho.

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa innoo sheegay in madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud uu Cali Jeyte ku casuumay Villa Soomaaliya, balse waxaa iska diiday guddoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan oo haatan dhaq-dhaqaaqyo ka wada halkaasi.

Wararka ayaa sheegaya in Cali Jeyte uu shaki ka muujiyay Villa Soomaaliya, isaga oo tuhun ka qaba, haddii yimaado Muqdisho in lagu xanibo ama loo diido inuu ku laabto Beledwene, maadaama ay haatan xiisad xoogan kala dhexeyso HirShabelle iyo dowladda dhexe

Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca Villa Soomaaliya oo ku aadan diidmada Cali Jeyte, maadaama uu diiday inuu yimaado magaalada Muqdisho, si ay dowladda ugala hadasho xiisadda ka dhalatay xilka qaadistii dhowaan lagu sameeyay.

Cali Jeyte oo ciidamo beeleed ku heysta Beledweyne ayaa maalmo ka hor ku dhowaaqay in loo doortay madaxweynaha KMG ah ee ‘Hiiraan State’ taas oo ay dad badan ay la yaabeen.

Waxaa kale oo uu sheegay in reer Hiiraan ay tashadeen, isla-markaana ay sameysteen maamul ka madax bannaan HirShabelle, kaas oo la magac baxay “Hiiraan State” waxa uu tilmaamay inay go’aansadeen inay ka hoos baxaan HirShabelle, sida uu hadalka u dhigay.

“Dadkan waa dad bani’aadam ah waa dad Soomaaliyeed aragti ayay lee yihiin, aragtidooda ayay soo bandhigeen, marka waxay go’aansadeen inay dalladdaa ka hoos baxaan oo State kale sameystaan ayay go’aansadeen” ayuu yiri guddoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan.

Si kastaba, Cali Jeyte ayaa horay weerar afka ah ugu qaaday madaxweyne Xasan Sheekh, isaga oo ku eedeeyay in talada dalka uu gacanta u galiyay rag kale oo ay saaxibo yihiin

Post a Comment

0 Comments