Weerar uu ka dhashay dhimasho & dhaawac oo ka dhacay Muqdisho

Kooxda alshabaab


 Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay tiro madaafiic ah oo saaka lagu garaacay xaafado ka tirsan magaalada Muqdisho weerarkan hoobiyeyaasha loo adeegsaday ayaa waxaa lagu beegsaday degmooyinka warta nabadda, xamar-jajab iyo waaberi oo ku yaalla bartanka caasimada

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa innoo sheegay in madaafiicdan ay geysteen khasaare kala duwan oo isugu jiro dhimasho iyo dhaawac waxaana kamid ah dadka ay waxyeelada soo gaaray qoys degan degmada waaberi gaar ahaan agagaarka Isgoyska Ototo kadib markii uu ku dhacay mid kamid ah hoobiyeyaasha lagu garaacay magaalada muqdisho

Wararka ayaa sheegaya in guriga uu ku dhacay madfaca uuu ku dhintay macalin dugsi Qur’aan oo lagu magacaabi jiray macalin aweys iyo gabadhiisa xaliimo macalin sidoo kale waxaa ku dhaawacmay hooyada qoyska oo lagu magacaabo, naciimo maxamed cabdi, garbar yar oo lix jir ah laguna magacaabo xaliimo macalin aweys maadeey, isra macalin aweys iyo maxamed macalin aweys madey

Saddex ayaa meyd ah oo wiilkeyga kow ka yahay iyo gabar iyo wiil uu isaga dhalay saddex iyo hooyadoodna isbitaal ayay iga jiraan ayuu yiri awoowaha reerkaxaaladda ayaa hadda ah mid dagan, mana jiro wax hadal ah oo kasoo baxay laamaha ammaanka oo ku aadan weerarka hoobiyeyaasha ee ka dhacay gudaha caasimada

Bishii hore ayay aheyd markii sidan oo kale magaalada muqdisho loogu garaacay madaafiic inkastoo laamaha amniga ay soo qabteen hub iyo rag ku eedeysan weerarkaasi si kastaba muddooyinkii u dambeeyay alshabaab ayaa dhowr oo weerar oo kala duwan ka fulisay gudaha caasimada oo ay dowladda dhigtay ciidamo suga amniga

Post a Comment

0 Comments