AlShabaab oo xalay weerar ku qaaday xerada ciidanka Itoobiya ee degmada ceelbarde ee gobolka baay

Kooxda alshabaab


 Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal u dhexeeyay ciidamada itoobiya ee qaybta ka ah ATMIS iyo alshabaab oo xalay ka dhacay duleedka degmada ceelbarde ee gobolka baay kaas oo geystay khasaare kala duwan dagaalka ayaa yimid kadib markii ay alshabaab weerar arbushaad ah ku qaadeen saldhig ay ciidamadaasi ku leeyihiin degmada

Waxaana kadib dhacay iska hor imaad toos ah ilo dadka deegaanka ah ayaa sheegay in xubnaha AlShabaab ay marka hore mdaafiic ku garaaceen saldhigga kadibna ay u jawaabeen ciidamada itoobiya wararka ayaa intaasi kusii daraya in dagaalka ay mar dambe ku biireen ciidamada daraawiishta koonfur galbeed taas oo keentay in dagaalka uu sii qaraaraado

Ma cada khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkan iyio weerarka ka horreeyay kaas oo xalay si weyn looga dareemay guud ahaan degmada Ceelbarde iyo degaanada ku dhow xaaladda ayaa weli aad u kacsan waxaana lagu soo warramayaa in alshabaabkii weerarla soo qaaday ay dib u laabteen kadib saacado ay dagaal ka wadeen halkaasi 

Sidoo kale ciidamada itoobiya iyo kuwa koonfur galbeed ayaa maanta iski fidiyay duleedka degmada halkaas oo ay ka wadaan howlgal ay ku baadigoobayaan xubnaha soo weeraray

Ceelbarde ayaa waxaa todobaadyadii u dambeeyay weeraro ku haysay kooxda alshhabaab oo weli ku xoogan deegaanada ku xeeraan degmadaasi si kastaba kooxda alshabaab ayaa bilihii lasoo dhaafay sare u qaaday beegsiga ay ku heyso xeryaha ciidamada dowladda iyo kuwa atmis ee ku yaalla gobollada dalka

Post a Comment

0 Comments