Faahfaahino kasoo baxaya dagaal culus oo ka dhacay gobolka Hiiraan

Kooxda alshabaab


 Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya dagaal u dhexeeyay AlShabaab iyo dadka deegaanka oo xalay ka dhacay gobolka hiiraan ee bartamaha soomaaliya kaas oo geystay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac dagaalka oo ahaa mid xoogan ayaa yimid kadib markii ay ciidamada deegaanka ee macawiisleyda ay weerar ku qaadeen goob ay ku sugnaayeen alshabaab oo ku aadan agagaarka deegaanka beerayabaal oo hoostaga degmada buulo-burte ee gobolkaasi

Wararka ayaa sheegaya in weerarka kadib uu xigay dagaal toos ah oo dhex-maray labada dhinac waxaana mar dambe dagaalka ku biiray ciidamada xoogga dalka sarkaal u hadlay Macawiisleyda ayaa ka warbixiyay dagaalkan wuxuuna shaaca ka qaaday inay ku beegsadeen kooxda alshabaab isla-markaana ay gaarsiiyeen khasaare xoogan

Ninkan ayaa sidoo kale sheegay inay dhimasho iyo dhaawac gaarsiiyeen illaa todobo xubnood oo ka tirsanaa xubnaha kooxda alshabaab ee goobta ku sugnaa xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan mana jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca kooxda alshabaab oo ku aadan weerarkaas iyo dagaalka ka horreeyay 

Hiiraan ayaa kamid ah meelaha sida weyn loogu jabiyay kooxda waana halka uu ka billowday kacdoonka haatan ka socda inta badan gobollada Soomaaliya si kastaba weerarkan ayaa kusoo aadayo, xilli muddooyinkii u dambeeyay ay hakad galeen howlgallada ka dhanka ah alshabaab ee ka socda koonfurta iyo bartamaha soomaaliya 

Post a Comment

0 Comments