Alshabaab oo qarax la eegatay ciidamada mareykanka ee jooga somalia

Ciidamada mareykanka


  Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa qarax nooca miinada dhulka lagu aaso oo maanta ciidamo mareykan ah oo ay wehlinayeen kuwa danab ee xoogga dalka soomaaliyeed lagula eegtay qaybo kamid ah jubbada hoose qaraxa oo ahaa mid xoogan ayaa ciidamada huwanta ah lagu beegsaday duleedka magaalo xeebeedka kismaayo ee xarunta gobolka jubbada hoose sida ay xaqiijisay AFRICOM

Qoraal kasoo baxay taliska milatariga Maraykanka ee qaaradda Afrika ayaa waxaa lagu sheegay in kolonyadooda lala bartimaameedsaday qarax miino oo la dhigay waddada dhinacdeeda xilli ay ku socdaaleen agagaarka duleedka magaalada kismaayo africom waxay sidoo kale sheegtay inaan wax khasaare ah soo gaarin ciidamada maraykanka iyo sidoo kale kuwa soomaalida ah labadaba

Sidoo kale waxa ay intaasi ku dartay inay been yihiin wararka sheegaya inuu khasaare soo gaaray ciidamada mareykanka iyo kuwa danab ee lagu qarxiyay halkaasi ciidanka huwanta ayaa weerarka kadib sii watay socdaalkooda oo ku wajahnaa deegaanada hoos-yimaada magaalada kismaayo halkaas oo ay ka socdaan howlgallo culus oo ka dhan ah kooxda AlShabaab oo weli ku xoogan gobollada jubbooyinka ee maamulka jubbaland

Dhanka kale alshabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkan, waxayna shaacisay inay dhimasho iyo dhaawac ku gaarsiiyeen ciidamada mareykanka iyo kuwa danab mareykanka ayaa qayb ka ah howlgallada ka dhanka ah alshabaab, wuxuuna ciidanka soomaaliya ka taageeraa dhanka hawada isaga oo duqeeyo goobaha ay joogto kooxda 

Weerarkan qaraxa looo adeegsaday ayaa kusoo aadayo, ayada oo haatan jubbaland uu ka socdo diyaar-garow ku aadan wajiga labaad ee dagaalka alshabaab si kastana, dagaalkan oo ay dowladdu ugu magac dartay libaaxa madow ayaa sidoo kale la filayaa inay kusoo biiraan waddada safarka hore, sida kenya, jabuuti iyo itoobiya

Post a Comment

0 Comments