Danab oo laysay dagaalyahano ay Shabaab tababar halis ah ku siiyeen Bu’aale

Kooxda alshabaab

 Ciidanka xoogga dalka ee Danab iyo Daraawiishta Jubbaland ayaa caawa soo bandhigay meydadka dhalinyaro Shabaab ah oo lagu laayey howlgal ka dhacay degaanka Welmarow ee gobolka Jubbada Hoose.

Howlgalkaas waxaa lagu dilay dhalinyaro dhawaan soo dhameysatay tababar lagu baray is-qarxinta, sida ay warbaahinta dowladda u sheegeen saraakiishii hoggaamineysay howlgalka.

Al-Shabaab-ka la laayey ayaa lasoo bandhigay sawirro laga qaaday markii ay ka baxeen maalmo ka hor dugsi tababar oo kooxdu ay ku leedahay degmada Bu’aale ee gobolka Jubbada Dhexe Ciidanka fuliyey howlgalkaan ayaa soo bandhigay meydadka 17 xubnood oo Shabaab ah, kuwaas oo dhawaan soo dhameystay tababar culus oo is-miidaamin u badan, sida ay sheegeen saraakiisha ciidanka dowladda.

Sidoo kale intii uu socday howlgalkaas waxay ciidanku burburiyeen saldhig ay Shabaab ku lahaayeen duleedka deegaanka Welmarow ee gobolka Jubbada Hoose, halkaas oo lagu dilay 17-ka xubnood ee Shabaab-ka ah.

Deegaanka Caanoole oo dhaca duleedka degmada Bu’aale ayaa la sheegay in dhalinyarada ay qaldaan Al-Shabaab lagu baro howlgallada khatarta ah ee is-qarxintu ugu horeyso Kooxdaan caawa la laayey oo tababar ku soo dhameysatay dugsigaas halista ah ayey Al-Shabaab maalmo ka hor soo bandhigeen, iyagoo sameynaya dhoolatus.

Ciidamada fuliyey howlgalkaas ayaa caawa soo bandhigay sawiradii hore ee laga qaaday markii ay dhameysteen tababarka iyo kuwa caawa laga qaaday meydadkooda kooxdaan la laayey Sidoo kale ciidanku waxay soo bandhigeen qaraxyo ay diyaariyeen kooxdaan oo ciidanka iyo shacabka reer Jubbaland ay doonayeen inay ku halaagaan.

Sidoo kale xogta ay saraakiishu ka bixisay howlgalkaas waxay sheegeysaa in xubnaha laga dilay Al-Shabaab ay ku jiraan ajaanib, ka barbar dagaalameysay kooxda Al-Shabaab

Post a Comment

0 Comments