Al-Shabaabkii ugu badnaa oo soo buux dhaafiyay duleedka Jowhar

kooxda alshabaab


 Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in haatan kooxda Al-Shabaab ay xubnihii ugu badnaa soo dhoobtay agagaarka magaalada Jowhar ee xarunta dowlad goboleedka HirShabelle ilo deegaanka ah ayaa innoo sheegay in xubnaha AlShabaab ay soo buux dhaafiyeen tuulooyinka u dhow magaaladaasi, iyaga oo halkaas ka bilaabay dhaq-dhaqaaqyo culus.

Ujeedka AlShabaab ayaa ah inay go’doon geliyaan magaalada caasimada ah ee Jowhar, sida aanu kasoo xiganay saraakiil dhanka amniga ah Sidoo kale Shabaab ayaa la sheegay inay qorsheyneyo inay xayiraad saarto magaalada, si ay u hor istaagto in gudaha loo galo ama laga soo baxo, sidaas oo ay horay ugu sameysay magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Baay.

Xubnaha kooxda Al-Shabaab ayaa lagu arkay deegaano muhiim u ah isku socodka HirShabelle, gaar ahaan waddada xiriirisa magaalooyinka Muqdisho iyo Jowhar dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay madaxda HirShabelle iyo saraakiisha ciidamada dowladda ee ku aadan dhaq-dhaqaaqa Al-Shabaab ee magaalada Jowhar Xaaladda ayaa ah mid aad u kacsan

Waxaana sidoo kale arrintaan walaac ka muujinaya dadka deegaanka iyo ganacsatada, maadaama ay saameyn xoogan ku yeelan karto alshabaab ayaa u muuqata inay billowdo beegsiga magaalooiyinka waa weyn, si ay ugu soo rogto xayiraad, maadaama ay culeys kala kulantay dagaallada haatan ku socdo Dhibaatada ugu adag ayaa hadda ka taagan magaalada Baydhaba ee xarunta KMG ah ee Koonfur Galbeed oo ay kooxdu go’doomisay, taas oo keentay in sicir barar laga dareemo magaaladaasi

Taas oo ay sidoo kale qaylo dhaan kasoo saareen xildhibaanada Soomaaliya si kastaba, dhaq-dhaqaaqyadan ayaa kusoo aadayo, xilli haatan la filayo inuu dalka ka billowdo wajiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda goblllada dalka 

Post a Comment

0 Comments