Dowladda maraykanka oo ka jawaabtay codsi uga yimid DF Soomaaliya

dowladda mareykanka


 Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa soo bandhigtay qorsheyaal lagu xoojinayo isbaheysiga milateri ee ay la leeyihiin dalalka Afrika, gaar ahaan Soomaaliya arrintan ayaa ka dambeysay kadib kulan ay mas’uuliyiinta safaaradda la qaateen Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) iyo taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Jeneraal Ibraahim Sheekh Muxiyaddiin

Wada-hadallada ayaa ku saabsanaa sidii loo xoojin lahaa ammaanka Soomaaliya, iyadoo saldhigyo cusub loo sameyn doono ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ee qeybta ka ah guutada Danab Mareykanka ayaa taageero muhiim ah u fidin doona ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya ee Danab oo Mareykanku u tababaray la dagaalanka kooxda Al-Shabaab.

Go’aanka uu Maraykanka uu ku taageerayo hawgallada Ciidamada Dawladda Soomaaliya ayaa ku soo aadaysa iyadoo Dowladda Federaalka Soomaaliya ay olole ugu jirto sii wadista taageerada caalamiga ah ee ka dhanka ah Al-Shabab.

Ka sokow, taageerada ciidamada Danab, Mareykanka ayaa Soomaaliya ka fuliya duqeymo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab Taliska ciidamada Mareykanka ee Africa (AFRICOM) ayaa sheegtay in Soomaaliya ay muhiim u tahay amniga Bariga qaaradda Afrika.

AFRICOM waxay intaas ku dartay in ciidamada Maraykanaku ay sii wadi doonaan tababarka, talo siinta iyo qalabaynta ciidamada ay iskaashiga leeyihiin si ay u helaan tasiilaadkii ay ku wiiqi lahaayeen al-Shabaab

Post a Comment

0 Comments