Khilaaf horleh oo ka dhex qarxay kooxda alshabaab iyo beelaha deegaannada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud

kooxda alshabaab


 Khilaaf xooggan oo u dhaxeeya kooxda Al-Shabaab iyo odayaasha dhaqanka ee beelaha dega degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud ayaa ka taagan gobolkaasi sida ay baahisay warbaahinta dowladda, khilaafkan ayaa cirka isku sii shareeray kadib markii kooxda ay siyaabo kala duwan isugu dhaceen qabaa’ilada dega bariga gobolka Galguduud gaar ahaan degmada Ceelbuur

Xiisadda ayaa markii hore kasoo bilaabatay deegaanka Wabxo, halkaasi oo dhallinyaro deegaanka oo ka carooday fal gacan qaad ah oo mid kamid ah xubnaha Al-Shabaab uu u geystay gabar maqaayad ku iibineysay halkaasi sida ay sheegtay warbaahinta dowladda ajrxan-laawihii ka tirsanaa Khawaarijta Al-Shabaab ayaa garaacis nafta ku dhaafsiiyeen saddex dhalinyaro ahaa oo ka carootay falkaasi gacan qaadka ah,” ayay tibaaxeysa xogta laga helayo sida ay xiisaddaan ku bilaabatay.

Kooxda ayaa intaas kadib gacanta kusoo dhigtay saddexda dhalinyaro ah, iyaga oo usoo qafaashay degmada Ceelbuur. Sidoo kale kooxda Al-Shabaab ayaa go’aamisay in dhalinyaradaasi la toogto odayaasha dhaqanka Ceelbuur ayaa arrintaasi ka biyo diiday, iyaga oo is hortaagay in la toogto dhalinyaradaan reer Wabxo, taasi oo keentay in ay isku dhacaan horjoogayaasha Al-Shabaab iyo odayaasha dhaqanka degmada Ceelbuur

Xiisaddan ayaa uga sii dartay khilaaf horay uga dhaxeeyay odayaasha dhaqanka Ceelbuur iyo horjoogayaasha kooxda ee ku sugan halkaasi, taasi oo salka ku haysay kadib markii odayaal dhaqameedyo diiday inay bixiyaan lacago baad ah oo ay Al-Shabaab ku soo rogtay, laga soo qafaashay deegaanka Garable isla gobolka Galguduud ka tirsan.

Falkaasi odayaasha reer Garable lagu soo qafaashay ayaa waxaa la sheegay inuu hoggaaminayo oo Ceelbuur ku soo xiray odayaasha dhaqanka horjooge Macallin Salaad Gabeyre oo ka soo jeeda isla deegaanka Garable, sida ay baahisay warbaahinta dowladda ninkan ayaa si cad u diiday inuu soo daayo odayaashaas adeeradiis ah ee uu soo xirtay, kadib markii waan-waan ugu tageen odayaal ka tegay deegaanka Ceel-garas oo ugu yimid Ceelbuur.

Odayaasha dhaqanka ayaa dhankooda si adag uga biyo diiday in ay bixiyaan lacagtaasi baadda ah ee kooxda ku soo rogtay odayaasha ugu xiran Ceelbuur arrimahan ayaa sii xoojinaya khilaafka horjoogayaasha Al-Shabaab kala dhaxeeya dadka degan bariga gobolka Galguduud, iyada oo xiisaddanina ay gaartay meel aad u sareysa, maaddaama horjoogayaasha ku jira kooxda ee ka soo kala jeeda labada beel ee deegaankaasi dega aanay dooneyn in laga horyimaado amaradooda, taasi oo keentay in dhexdooda isgaad-gaad ka billowdo

Odayaasha dhaqanka ee degmada Ceelbuur ayaa ahayn odayaashii ugu horeeyay ee si cad isaga horyimaadaan kooxda, waxaana sidan oo kale Al-Shabaab uga horyimid odayaasha dhaqanka gobolka Hiiraan, taasi oo markii dambe soo dedejisay cimriga joogitaanka kooxda ee gobolkaasi si kastaba marka laga soo tago xogtan ay baahisay dowladda, waxay muddooyinkii dambe baahineysay waxyaabaha ka dhex socda kooxda, ayada oo hore baahisay in horjoogayaasha Al-Shabaab ay dhexdooda is-ugaadhsanayaan kadib markii uu jab xooggan kasoo gaaray dagaalka, ayna wajaheyso culeys dhaqaale oo baahsan

Post a Comment

0 Comments