Ciidanka dowladda iyo ciidamada mareykanka oo maanta fuliyey howlgal lagu laayey Shabaabkii ugu badnaa

Kooxda alshabaab

 Ciidanka Qaranka oo taageero ka helaya ciidamada cirka Mareykanka ayaa howlgal milateri ka fuliyay Gobolka Jubbada Hoose war hordhac oo aan ka helnay hawlgalka waxaa uu xaqiijinayaa in lagu dilay 13 xubnood oo ka tirsanaa Khawaarijta Al-Shabaab sidoo kale howlgalka waxaa lagu burburiyey shabakad qorsheynaysay dhagar lagu dhibaateynayo shacabka Soomaaliyeed 

Howlgallada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ee ka socda dalka ayaa sii xoogeysanaya, waxayna kooxdaan ku jirtaa waayeheedii ugu adkaa howlgalka maanta lagu dilay xubnahaan ee ka dhacay Jubbada Hoose, wuxuu ku soo aaday iyadoo maanta dagaal xoogan uu ka dhacay degaanka Cawsweyne ee gobolka Galgaduud

Kooxda oo weerarkaas ku soo qaaday ciidankii deganaa Cawsweyne ayaa khasaare badan lagu gaarsiiyey, halka ciidamada qaranka uu soo gaaray khasaare badan mid ka mid ah dagaaladii ugu cuslaa ayaa maanta ka dhacay degaanka Cawsweyne, waxaana ilaa hada la helin xogta khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkaas

Al-Shabaab oo lagu jebiyey dagaalada ka socda dalka, gaar ahaan HirShabeelle iyo Galmudug ayaa hadana wada weerarro geysta khasaare culus oo ciidamada qaranka ay u geystaan

Post a Comment

0 Comments