Daacish oo xirtay qaar ka mid ah ganacsiga Boosaaso

Daacish

 Wararka ka imaanaya gobolka Bari ee Puntland ayaa sheegaya in weli ay xiran yihiin qaar ka mid ah goobaha ganacsiga ee magaalada Boosaaso, cabsi laga qabo darteed kooxda Daacish ee ku sugan dhulka baraleyda Galgala ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa inoo sheegay in arrintaan ay gooni u tahay shirkadaha ka shaqeeya qalabka dhismaha

Kadib markii uu is faham waa soo kala dhex-galay iyaga kooxda Al-Shabaab oo la sheegay inay lacago ka qaado ganasatada Boosaaso Muddo todobaad ah ayaa waxaa xiran xarumaha ganacsiga shirkadaha Towfiiq, Gufurre, Horseed iyo Oomaar, kuwaas oo albaabada la’isugu dhuftay

Saddex shirkadood ayaa waxaa soo wajahday cabsi xoogan oo ku aadan in la gubi doono xarumahooda, si lamid ah shirkadihii dhawaan lagu gubay magaaladaasi khilaafka soo kala dhex-gaay ganacstada iyo Daacish ayaa yimid kadib markii ay kooxda ku amartay inay ganasatadu bixiyaan lacago canshuuro oo boqolaal kun oo dollar ah

Haddii kalena ay la kulmi doonaan weeraro, hanjabadaas ayaana keenay inay xiraan mehradahooda lacagta ay Daacish ku soo rogtay goobaha ganacsiga ee hadda xiran ayaa u dhexeyso 300,000 illaa 500,000 oo dollar sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo xilkas ah

Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha laamaha ammaanka Puntland oo ku aadan xiisadda ka taagan magaalada Boosaaso ee saameynta ku yeelatay dhaq-dhaqaaqa ganacsiga magaaladaas qaar kamid ah ganacsatada ay saameysay arrintaan ayaa sidoo kale shalay kulan la yeeshay maamulka gobolka Bari, iyaga oo u gudbiyay cabashadooda

Si wax looga qabto, maadaama arrin ammaan darteed ay u xireen goobahooda ganacsi ee Boosaaso Ma’aha markii ugu horreysay oo ay daacish ay xirto ganacsiga Boosaaso, waxayna dhacday dhowr jeer oo hore, taas oo saameyn ku yeelatay ganacsatada ku dhaqan magaaladaasi

Post a Comment

0 Comments