Isxaaq Mayow Maxamuud oo isku soo dhiibay dowladda soomaaliya

Kooxda alshabaab

 Isxaaq Mayow Maxamuud oo magaca afgarashada Al-Shabaab loo yaqaanay Sayib ayaa maanta isku soo dhiibey ciidanka xoogga dalka gaar ahaan qeybta 60-aad Isxaaq Mayow ayaa waxa uu kooxda AlShabaab ka tirsanaa muddo ku siman afar sano, isaga oo u qaabilsanaa waxa ay ugu yeeraan Jabhadaha, sida uu warbaahinta dowladda u sheegay

Sidoo kale waxa uu ka qeyb qaatay intii uu ka barbar dagaalamayay kooxda, dagaalo dhowar ah oo ka dhacay qeybo ka mid ah gobollada Sheellaha Hoose, Hiiran, Gedo, Jubbooyinka iyo deegaano kale isxaaq ayaa waxa uu sheegay in sababta uu uga soo baxay kooxda AlShabaab ay tahay dhibaato ka jirta dhexdooda iyo mid ay ku hayaan shacabka Soomaaliyeed ee aan waxba ka galabsan

Aad ayay u liidatada awoodooda maanta ayuu yiri Isxaaq mar uu ka hadlay awooda kooxda Al-Shabaab, isaga oo dowlada iyo shacabka Soomaaliyeed u sheegay hadii ay sii wadaan howl-galka la arki doono Shabaab oo Soomaaliya ka cararaysa ninkan ayaa ugu dambeyntiina waxa uu saaxiibadii ay ka wada tirsanaayeen kooxda ugu baaqay inay kasoo tagaan Shabaab, iskuna soo dhiibaan ciidanka dowladda, si buu yiri loo badbaadiyo naftooda

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa muddooyinkii dambe soo bandhigaysay xubno ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab oo isku soo dhiibay kuwaasi oo ka faa’iideysanaya cafis ay dowladda u fidisay xubnaha kooxda xubnaha kasoo goosta kooxda Al-Shabaab ee usoo gala dowladda ayaa inta badan waxay sheegaan in lagu qalday fikrad Diimeed ay salkeeda soo taabteen inaysan waxba ka jirin

Si kastaba dagaalka ka dhanka ah AlShabaab ayaa tan iyo markii uu billowday waxaa kooxda looga saaray deegaano horleh, inkasta oo ay weli ku xooggan yihiin qeybo kamid ah dalka, xilli uu billaabanayo wejiga labaad ee dagaalka oo ay qeyb ka noqonayaan ciidamo ka socda dalalka deriska

Post a Comment

0 Comments