Wasiirka waxbarashada Soomaaliya Faarax Sheekh Cabduqaadir ayaa maanta soo saaray qaraar cusub oo ku socdo bahda waxbarashada ee dalka gaar ahaan jaamacadaha

Dhacdooyinka caalamka


 Wasiirka waxbarashada, hidaha iyo tacliinta sare ee xukuumadda Soomaaliya, Mudane Faarax Sheekh Cabduqaadir ayaa maanta soo saaray qaraar cusub oo ku socdo bahda waxbarashada ee dalka, gaar ahaan jaamacadaha Faarax Sheekh Cabduqaadir ayaa qaraarkan ku shaaciyay go’aaano saameynaya jaamacadaha, isaga oo sheegay in lagu soo kordhiyay jaamacadaha hal sanno oo waxbarasho Aas aasi ah (Foundation Year), kaas oo bilaabanayo  sanad dugsiyeedka 2023/2024

Sanadkaas ayaa waxaa loogu talagalay in lagu dhiso ardayda cusub ee galaya jaamacadaha, wuxuuna ka ka koobnaan doonaa laba Semester oo aan ku jiray muddada 4 sano ama ka badan waxbarashada heerka koowaad ee jaamacadda Ardayda ayaa sanadka koowaad la bari doonaa maadooyin ay kamid yihiin afka Soomaaliga oo ay ku jiraan suugaanta, dhaqanka iyo taariikhda, afka Carabiga iyo Engilishka, ama luqadda uu ardayga ku qaadan doono waxbarashadiisa jaamacadeed

Sidoo kale waxa ay ardayda qaadan doonaan sanadka waxbarashada aas aaasiga ah daraasaadka Islaamka, gaar ahaan Fahamka Guud iyo Akhlaaqda Islaamka wasaaradda waxa ay intaasi kusii dartay in lasoo kordhiyay maadooyin aan horay looga dhigan Soomaaliya sida Xallinta khilaafaadka, xiriirka bulshada, hab fikirka naqdineed (Critical Thinging) oo lagu bari doono ardayda waxbarashada heerka 1-aad ee jaamacadda

Waxaay sidoo kale ballan qaaday in iyada oo kaashaneysa khuburada jaamacadaha inay gacan ka geysan doonto dhismaha saabka manhajka sanadka waxbarashada aas aasiga ah ee heerka jaamacadeed tallaabadan ayaa qayb ka ah qorshaha xukuumadda federaalka Soomaaliya ee lagu hormarinayo tayeynta tacliinta saree ee dalka

Soomaaliya ayaa sanadihii dambe horumar ka sameyneysay dhanka waxbarashada, waxaana sanadkan oo kaliya marxaladda dugsiga sare kasoo gudbay illaa 50 kun oo arday ah, halka jaamacadahana ay ka baxeen  25 kun oo arday ah sida ay sheegtay wasaaraddu

Post a Comment

0 Comments