Dowladda somaliya oo shaacisay beegsi cusub oo shabaab ay ku heyso digniina u dirtay dad gaar ah

Kooxda alshabaab


 Afhayeenka wasaaradda gaashaandhigga XFS Jeneraal Cabdullahi Cali Caanood oo galabta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa faahfaahin ka bixiyey howlgalladii ugu dambeeyey ee ciidamada qaranka ay ka fuliyeen deegaano ka tirsan dalka iyo qorshaha dagaal ee dalka ka socda.

Jeneraal Caanood ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay xooga saareyso raadinta iyo beegsiga goobaha ay AlShabaab ku sameeyaan qaraxyada ee ku yaalla deegaanada ay dalka ka joogaan waxaa jira oo hadda la beegsanayaa oo cirka iyo dhulkaba laga sahmiyey baraha ay ku diyaariyaan qaraxyada, goobaha laga hoggaamiyo, goobaha lagu soo abaabulo iyo xarumahooda caafimaadka iyo saadka,” ayuu yiri Jeneraal Caanood

Afhayeenka ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay sameysay sahan dhanka hawada ah taas oo suurta gelisay in la beegsado xarumihii deegaanada Buulafulaay oo gobolka Bay ka tirsan iyo Galhareeri waxaa beegsigaas lagu baabi’iyey qaraxyo, xarumihii laga soo abaabuli jiray maleeshiyaadka xarumihii saadka iyo gaadiidka dhamaan xarumahaas waa la burburiyey inta kalena waa noo sahansan tahay,” ayuu yiri Jeneraal Caanood

Sidoo kale wasaaradda gaashaandhigga ayaa uga digtay dadka shacabka ah eek u nool deegaanada ay Al-Shabaab joogaan inay sii deganaadaan meel Shabaab joogo ama ay ka showdahay xarun ay leeyihiin qofkii howlgallada socda ay wax ku gaaraan cid uu eedayo ma jirto, howlgalkii dhulka deg deg ayuu u bilaabanayaa maalmahaan, si balaaran ayaa loo qorsheeyey dagaalka, shacabka degan Galmudug iyo HirShabeelle ha isaga fogaadeen Khawaarijta ayuu yiri Jeneraal Caanood

Sidoo kale Afhayeenka ayaa sheegay in markii la eego diyaar-garowga la galay uusan dagaalkaan yeela doonin weji 3-aad isla markaana rajo badan laga qabo in labadaan weji lagu soo afjaro Al-Shabaab

Post a Comment

0 Comments