uddoomiye ku xigeenka 1-aad ee Golaha Shacabka, Sacdiya Yaasiin Samatar ayaa sheegtay Iyadoo aan Gudi Musuq-maasuq dhisneyn sidee dolwadu u qaadi kartaa ololaha la dagaalanka musuqa?

sacdiyo yaasiin

 Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee Golaha Shacabka, Sacdiya Yaasiin Samatar oo shalay hadal ka jeedisay baarlamaanka ayaa ka hadashay dagaalka ka dhanka ah Musuq-maasuqa ee ay wado dowladda federaalka Soomaaliya sacdiya ayaa su’aal ka keentay qaabka ay dowladda u wajaheyso dagaalka Musuqa oo hadda loo soo xiray mas’uuliyiin dhowr ah, halka kuwa kalena ay ka baxsadeen dalka

Guddoomiye ku xigeenka koowaad ayaa weydiisay Wasiirka Cadaaladda iyo Dastuurka, sida ay isku qaban karto arrinta la xiriira dagaalka Musuqa, ayada oo uu dhisneyn guddiga madaxa bannaan ee la dagaallanka Musuq-Maasuqa oo muhiim u ah dagaalka hada socda wasiir su’aal ayaan qabaa guddiga madaxa bannaan ee la dagaallanka Musuq-maasuqa oo aan dhisneyn iyo ololaha ay ka shaqeneyso dowladda ee Musuqa, sidee isku qabaneysaa?”

Intaas kadib wasiir Xasan Macallin oo hadalka qaaatay ayaa shaaca ka qaaday in Musuqa uu yahay dambi, isla-markaana dambiga ay aragti kala dhexeyso dowladda Soomaaliya musuq-maasuqa dambi waayay dambi iyo dowladdana inay aragto ayaa ka dhexeysa, haddii ay dowladdu dambi aragto ay wax ka qaban weyso dowladdaasi howsheeda way gabtay Masuqa waa dambi oo weliba dila dowladnimada” ayuu yiri Wasiir Xasan Macallin

Sidoo kale wuxuu ka jawaabay su’aasha xildhibaan Sacdiya, isaga oo tilmaamay in wasaaradda ay haatan ku howlan tahay dhismaha guddiga la dagaallanka Musuqa su’aal muhiim ah ayaa keentay guddiga Musuq-maasuqa la dirirayay aaway? wuxuu kamid yahay guddiyada ay hadda wasaaradda ku howlan tahay inay dhisto” ayuu sii raaciyay

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo haatan dalka uu ka socda dagaalkii ugu ballaarnaa ee Musuqa, kaas oo xabsiga loo dhigay rag badan oo haatan ay ku socoto maxkamadeyn, kuwaas oo loo haysto inay lunsadeen lacago malaayiin dollar ah oo ah xoolo dadweyne

Post a Comment

0 Comments