Ciidanka dowladda soomaaliya oo burburisay gaadiid ay qaraxyo ku diyaarinayeen kooxda alshabaab

Kooxda alshabaab


 Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya howlgal culus iyo duqeyn maanta ka dhacday gobolka Hiiraan oo lagu beegsaday kooxda AlShabaab howlgalkan oo ahaa mid qorsheysan, isla-markaana ay qaadeen ciidamada Xoogga dalka oo kaashanaya Saaxibada Caalamiga ah ayaa waxaa lagu beegsaday xubno ka tirsan AlShabaab oo ku sugnaa deegaanka Mukayle oo hoostaga magaalada Buulo-Burde

Qoraal kasoo baxay dowladda Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in howlgalkani lagu bartimaameedsaday Garaash ku yaal deegaanka oo kooxdu ay ku diyaarineysay qaraxyo Warka dowladda ayaa waxaa sidoo kale lagu sheegay in halkaas lagu burburyay illaa afar baabuur oo qaraxyo lagu xiray

Sidoo kale dowladda ayaa shaaca ka qaaday in meesha lagu laayay xubno kale oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab, balse ma shaacin inta ay la’egtahay tiradooda ciidanka qaranka ayaa halkaas ku burburiyey afar gaari oo Khawaarijtu ku rakibeen qaraxyo si ay ugu waxyeeleeyaan Shacabka Soomaaliyeed

Goobtaas waxaa ku halaagsamay maleeshiyaad fara badan oo ah kuwa sida gaarka ah ugu tababaran sameynta qaraxyada ayaa lagu yiri warka kooban ee ay shaacisay dowladda federaalka Soomaaliya waxaa kale oo qoraalka lagu sheegay in dowladdu ay dib ka bixin doonto faah-faahinta natiijada rasmiga ah maadaama uu weli socda howlgalka ka dhacay agga Hiiraan

Xaaladda ayaa weli ah mdi kacsan mana jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhanka kooxda AlShabaab oo ku aadan howlgalkaas ee ay guulaha ka sheegatay dowladda Soomaaliya hiiraan ayaa kamid ah meelaha ay ka socdaan howlgallada xoreynta, waana halka uu ka billowday kacdoonka ka dhanka ah AlShabaab ee haatan ka socda dalka oo dhan

Post a Comment

0 Comments