Maleeshiyada AlShabaab oo ka baxay deegaan u dhow magaalada Dhuusamareeb

Kooxda alshabaab


  Wararka naga soo gaaraya gobolka Galaduud ayaa sheegaya in gelinkii dambe ee Sabtidii shalay xubnaha Al-Shabaab ay isaga baxeen deegaanka Ceel La helay oo u dhow magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Galmudug ilo wareedyo deegaanka ah ayaa innoo sheegay in Al-Shabaab ay faarujiyeen xarumihii ay ku lahaayeen gudaha deegaankaas oo qiyaastii 50 KM bari ka xiga Dhuusamareeb 

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in kooxda Al-Shabaab ay soo wajahday cabsi xoogan oo ku aadan gulufka dagaal iyo dhaq-dhaqaaqyada ka socda Galmudug oo uu shalay gaaray madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo si KMG u dagay Dhuusamareeb Al-Shabaab inta aysan ka bixin deegaankan waxaa la sheegay in la hadleen dadka deegaanka oo ay macsalaameeyeen, waxayna ku wareejiyeen gaadiid ay ka heysteen

Sidoo kale waxaa lagu soo warramayaa in xubnaha Al-Shabaab ee isaga baxay deegaanka Ceel La Helay ay aadeen dhanka bari ee howdka deegaankaasi, halkaas oo ay saldhigyo ku leeyihiin, sida aan ka soo xiganay qaar kamid ah dadka deegaanka xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka ay dhaq-dhaqaaq ka wadan agagaarka magaalada Dhuusamareeb

Deegaanka Ceel La Helay ee ay isaga baxeen xubnaha Al-Shabaab ayaa ah istiraatiiji, waxaana horay mar u qabsaday ciidamada dowladda, walow ay dib uga soo baxeen arrimahan ayaa kusoo aadayo, ayada oo diyaar garowgii ugu dambeeyay ee dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ka socdo gobollada dhexe, kaas oo uu jeedkiisu yahay in kooxda Al-Shabaab looga saaro guud ahaan dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug

Si kastaba, kooxda ayaa haatan wajaheysa culeys xoogan, maadaama wajigii koowaad looga qabsaday magaalooyin muhiim ah, sida Galcad iyo Xarardheere oo ay mudo joogeen

Post a Comment

0 Comments