Goob uu shir uga socday Al-Shabaab oo weerar culus lagu qaaday

Kooxda alshabaab


  Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal culus oo gelinkii dambe ee shalay ka dhacay qaybo kamid ha gobolka Hiiraan ee HirShabelle howlgalkan oo ay si wadair ah isaga kaashadeen ciidamada Soomaaliya iyo Saaxibada Caalmiga ah ayaa si gaar aha uga dhacay deegaanka Qoob-Yaxaas ee gobolkaasi, waxaana lagu beegsaday goob ay isku uruursanayeen xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

Dowladda Somalia oo war kasoo saartay howlgalkan ayaa shaacisay in weerarka uu dhacay xilli uu shir uga socday halkaasi xubno ka tirsan Al-Shabaab oo ay ku jiraan horjoogayaal howlgalka waxaa lagu beegsaday xarun wayn oo Khawaarijtu ay ku lahayd deegaanka, xilliga uu howlgalku dhacayay goobta waxaa shir uga socday Kooxo Khawaarij ah oo ay ku jiraan horjoogayaal” ayaa lagu yiri warsaxaafadeed ay sii deysay warbaahinta dowladda.

Sidoo kale waxay dowladdu sheegtay in howlgalkan lagu burburiyay xaruntii ay ku shirayeen Al-Shabaab, isla-markaana la laayey xubnihii ku sugnaa halkaasi inta uu howlgalka socday waxaa sidoo kale la gubay gaadiid ay lahaayeen xubnaha Al-Shababa ee uu shirka uga socday deegaanka Qoob-Yaxaas ee gobolka Hiiraan

Ciidanka Xoogga iyo saaxiibadood waxa ay ku guulaysteen in ay burburiyaan goobtii isla markaana halkaas lagu laayo maleeshiyaadkii ku shirayay, waxaana sidoo kale la gubay labo gaari oo ay wataan horjoogayaashii Khawaarijta ee halkaas joogay” ayay raacisay

Waxaa kale oo qoraalka lagu yiri  tirada dhimashada iyo dhawaaca ee soo gaaray Khawaarijta waxaa ku socota qiimayn waana idinla wadaagaynaa dhawaan insha allaah Dhanka kale, ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca Al-Shabaab oo ku aadan howlgalkaasi ee ay guulaha ka sheegatay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Hiiraan ayaa kamid ah meelaha lagu jabiyay kooxda, waxaana weli ka socda howlgallo culus oo ay barbar socdaan duqeymo ay geysanayaan diyaarado dagaal

Post a Comment

0 Comments