Alshabaab oo markii sadexaad weerartay Goofgaduud-buurey oo u dhow magaalada Baydhaba ee xarunta KMG ee maamulka Koonfur Galbeed

Kooxda alshabaab


 Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar ay markii saddexaad dagaalayahanada AlShabaab xalay ku qaadeen deegaanka Goofgaduud-buurey oo u dhow magaalada Baydhaba ee xarunta KMG  ee maamulka Koonfur Galbeed weerarka kadib ayaa waxaa xigay dagaal toos ah oo u dhexeeyay ciidamada Koonfur Galbeed oo garab ka helaya kuwa Xoogga dalka iyo dagaalyahanada weerarka qaaday

Dagaalkan ayaa qaatay soo bilowday gelinkii dambe ee shalay ayaa soo gaaray illaa xalay, waxaana la’isku adeegsanayay hubka noocyadiisa, sida ay sheegeen dadka deegaanka illaa iyo hadda ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkaas iyo weerarka ka horreeyay, waxaana lagu soo warramayaa in weli xaaladdu ay kacsan tahay

Dhanka kale, ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha ciidamada huwanta iyo mas’uuliyiinta Koonfur Galbeed oo ku aadan weerarka AlShabaab ee Goof-gaduud maalmo kahor ayey aheyd markii Al-Shabaab oo muddo kooban haysatay laga fara maroojiyay deegaankan oo laga ilaaliyo magaalada Baydhaba ee gobolka Baay

Goofgaduud-buurey waa deegaan istiraatiiji ah oo qiyaastii 30 KM kaliya u jira magaalada Baydhaba oo caasimad u ah maamulka Koonfur Galbeed oo ka mid ah maamullada ay dhibaatooyinka ugu badan ku heyso kooxda Al-Shabaab.

Mar kasta waxaa dhacda in deegaanka Goofgaduud-buurey ay isku bed-bedelaan ciidamada dowladda iyo kooxda AlShabaab waxaana taas u sabab ah goobta istiraatiijiga ah ee deegaankaasi uu ku yaallo, sida ay qabaan quburrada ammaanka

Guud ahaan deegaanada Koonfur Galbeed waxaa culeys daran ku heysa kooxda AlShabaab oo ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ay uga soo adkaadeen dagaallo culus oo bilihii lasoo dhaafay ka dhacay gobollada HirShabeelle iyo Galmudug

Post a Comment

0 Comments