Dagaal u dhexeeyo ciidanka dowladda iyo alshabaab oo ka socda duleedka magaalada muqdisho

Kooxda alshabaab


 Wararka naga soo gaaraya degmada Balcad ayaa sheegaya in goordhow dagaal xoogan oo u dhexeeyo kooxda AlShabaab iyo ciidamada dowladda uu ka socdo deegaanka Basra oo dhaca inta u dhexeysa Balcad iyo Afgooye dagaalka ayaa waxaa soo qaaday xubnaha AlShabaab kadib markii ay weerareen saldhig ciidamada dowladda ay ku leeyihiin halkaasi sida ay innoo sheegeen ilo deegaanka ah

Wararka ayaa sheegaya in dagaalka uu weli socdo, isla-markaana rasaasta iyo hubka ay isku adeegsanayaan labada dhinac laga maqyo aagga Basra oo u dhow Muqdisho waxaa dagaalkan ka qayb qaadanaya ciidamada Haramcad, kuwa Nabad Sugiddia iyo ciidamada Police Miltry ee dhowaan lagu wareejiyay inta badan amniga caasimada

Ma cadda khasaaraha ka dhashay dagaalkan, laakiin saraakiil ka tirsan ciidamada dowlada ayaa shaaca ka qaaday inay ka hortageen weerarka Al-Shabaab sidoo kale saraakiisha ayaa intaasi ku daray in ay dileen xubno ka tirsan kooxda, isla-markaana ay dhaawaceen kuwa kale oo kamid ah xubnaha weerarka soo qaaday

Ilo wareedyo wareedyo deeganaka ayaa sidoo kale sheegay in weli xaaladda ay qasan tahay, isla-markaana ay dhaq-dhaqaaqyo ciidan ka ka socdaan halkaasi deegaanada lagu dagaalamayo ayaa waxaa horay ula wareegay dowladda, kadib markii laga saaray Al-Shabaab oo dadka Muqdisho ugu yeeri jiray Basra iyo agagaarkeeda

Maalmihii u dmabeeyay ayaa waxaa magaalada Muqdisho ka dhacayay weeraro kala duwan iyo dilal qorsheysan oo ay ka geysanayaan xubnaha AlShabaab waxaana dhanka kale barbar socda howlgallo ay wadaan ciidamada dowladda oo lagu xaqiijinayo amniga si kastaba shalay ayey aheyd markii ay ciidamadu gacanta kusoo dhigeen nin hubeysan oo toogasho ku dilay ganacsade ku sugnaa degmada Hodan ee gobolka Banaadir

Post a Comment

0 Comments