Koooxda alshabaab ayaa qaaday tallaabo ka dhan ah ganacsatada xilli ay wajaheyso culeys badan

Kooxda alshabaab


  Gumaadka ay argagixisada u geysaneyso shacabka Soomaaliyeed waa 15 sano jirsaday. Waxaase hareer socday muddadaasi fog baad iyo dhac ay kooxda u geysaneyso ganacsatada Soomaaliyeed taxanahan 15 jirka ah ayaase markii ugu horreysay la kulmay cadaadis iyo dagaal uusa baran. Jahwareer dhaqaale ayay wajahayaan argagixisada tan iyo markii inta badan ganacsatada u hoggaansatay amarkii dowladda Soomaaliya ee ahaa in aan wax dhaqaale ah la siin karin kooxda

Inkasta oo ay weli jiraan ganacsato si dhuumaleysi ah lacago u siiya argagixisada, kuwaasi oo dowladda Soomaaliya iyo hay’addo caalami ah ku daba-jiraan, haddana kooxda waxay bilihii dambe billowday inay beegsato ganacsatada waaweyn ee illaa xad u hoggaansamay mowqidka dowladda dhexe ee Soomaaliya Kooxda waxaa haysata laba xaaladood, mid waa dhaqaale xumo baahsan, midna waa marxalada wejiga labaad ee dagaalka.

Sida ay illo muhiim ah noo xaqiijiyeen mid kamid ah shirkadaha waaweyn ee isgaarsiinta ee dalka ayay kooxda saartay cadaadis gaar ah waayihii dambe, sida; qarxinta xarumaheeda, in loo diido inay gobollo qaar ay xarumo iyo anteeno ka surtaan ama xitaa inay dayactirtaan xarumihii laga burburiyay.

Deegaanada qaarna saacadihii ay doonaan ayay argagixisada amraan in qasab lagu damiyo xarumaha shirkadaas. Kooxda Al-Shabaab waxay gebi ahaanba horay u joojisay dhammaan wixii gaadiid shirkadda Hormuud ay laheyd ee ka howl-galayay deegaanada ay joogaan Al-Shabaab toos uma shaacin dagaalka ay ku qaaday shirkadda Hormuud, balse waxaan ogaanay inay soo rogeen amar ay ku kala dhantaalayaan macaamiisha shirkadaas.

Tallaabadan ay kooxda ku cadaadineyso shirkadaan waxay dadka qaar la xiriirinayaan arrimo ganacsi, balse illo amni oo noo waramay ayaa aaminsan in shirkadaan laga rabo lacago baad ah oo kooxdan ay ku gasho wejiga labaad ee dagaalka Waxaa kale oo lagu haystaa in awaamiirtii dowladda u dhago nuglaadeen. Tallaabooyinkan waa dhaqanka iyo dabeecadaha laga fisho koox kasta oo hubeysan oo sii jabeysa

Post a Comment

0 Comments