Faahfaahin ka soo baxaya dab xalay qabsaday suuqa Baladweyne ugu weyn

Dab xoogan


 Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay dab xoogan oo xalay ka kacay suuqa Darwiish oo ku yaalla gudaha magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, kaas oo dhaliyay khasaare xoogan dabkan oo soo bilowday xalay, soona gaaray illaa saaka ayaa saameeyay goobo ganacsi oo ku yaalla halkaasi, mana cadda illaa iyo hadda waxa dhaliyay

Illaa dhowr iyo 10 goobood oo ganacsi ayaa ku basbeelay dabkan, balse ma geysan wax khasaare nafeed ah, sida laga soo xigtay dadka deegaanka mid kamid ah ganacsatada suuqa oo la hadlay Idaacadda Kulmiye ayaa faah-faahin ka bixiyay dabkaasi, wuxuuna sheegay in bubur xoogan uu soo gaaray suuqaasi

Meesha waxaa ka kcay dab aad u xoogan khasaare aad u fara badana waa ka dhashay, wuxuuna ka kacay suuqa Daraawiishta, meesha burbur aad u xoogan ayaa ka dhacay dabka xalay ayuu soo billowday, illaa saaka ayaana lala daala dhacayay” ayuu yiri sidoo kale wuxuu tilmaamay in Beledweyne aysan laheyn wax gaadiid dab damis ah, taasina ay keentay in dabka uu qaato saacado fara badan

Wax dab damis ah oo na soo gaaray ma jiraan, booyado ay soo direen shirkado ganacsi oo magaalada ku yaalla iyo biyo laga soo qaaday xaafidihii dhowaa ayaa lagu damiyay” ayuu sii raaciyay ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariqay in aysan xittaa gurmad ka helin maamulka  gobolka iyo kan degmada intaba, maadaama ay qabsatay xaalad adag

Post a Comment

0 Comments