Al-Shabab oo 3 xarun lagu beegsaday- sarkaal sare iyo dagaal-yahanno la dilay

kooxda alshabaab


 Ciidanka Qaranka ayaa maanta hawlgal qorshaysan ka fuliyey magaalada Buq-aqable ee Gobalka Hiiraan, halkaas oo khasaare culu loogu geystay kooxda Al-Shabaab, sida ay shaacisay dowladda Soomaaliya hawlgalka waxaa lagu beegsaday seddax xarumood oo Al-Shabaab ay lahaayeen deegaanka, kuwaas oo dhamaantood la burbruriyay goobta ugu horraysa waxa ay ahayd Garaash ay Khawaarijta u yaaleen ilaa 20 Gaari oo ah kuwa Dagaalka dhamaantoodna waa la burburiyay, iyadoo laga dhigay hawlgab,” ayaa lagu yiri qoraalkaan oo ka soo baxay wasaaradda warfaafinta

Hawlgal kale ayaa ka dhacay xarunta ay deganaayeen maamulka sare ee AlShabaab u qaabilsanaa magaaladaas, taas oo la burburiyay sidoo kale warbixinta lagu sheegay in xaruntaas lagu dilay shan xubnood oo Shabaab ah oo mid ka mid ah uu ahaa sarkaal sare hawlgalka ugu danbeeyay waxa lagu beegsaday Isbaaro ay ku sugnaayeen koox Khawaarij ah banaanka magaalada Buq-aqable, halkaas ayaa lagu laayay maleeshiyaadkii goobta ku sugnaa.”

Inta la xaqiijyay hawlgalka waxaa Khawaarijta uga geeryooday 18 Khawaarij oo labo ay horjoogayaal tahay, waxaa la burburiyay 20 gaari oo ah kuwa dagaalka oo ay ku rakibnaayeen qoryo culus waxaa la burburiyay labo xafiis iyo goob Isbaaro u ahayd ayaa lagu yiri qoraalkaan lagu daabacay warbaahinta dowladda hawlgalkaan oo dhacay shalay oo jimco ah waxa uu ka mid yahay hawlgalo isdaba joog ah oo ciidamada dowladda Soomaaliya iyo la howlgalayaashooda ay ka wadaan dalka

Mudooyinkaan dambe waxaa si joogto ah loo beegsadaa xarumaha muhiimka ah ee Al-Shabaab, sida goobaha lagu sameeyo qaraxyada, xafiisyada madaxda iyo goobaha ay ka soo abaabulaan ciidamada

Post a Comment

0 Comments