Ciidanka dowladda soomaaliya oo dagaal kula wareegay magaalo istaraatiiji ah

kooxda alshabaab


 Ciidanka Qaranka ayaa goordhaw si buuxda ula wareegay magaalada Wabxo ee gobolka Galgaduud oo ah magaalo aad muhiim u ah kuna taala meel istaraatiiji ah ciidamada ayaa hadda kawada magaalada hawlgal lagu xaqiijinayo Amniga maadaama ay in  dhowr sano ay ku sugnaayeen Al-Shabaab khawaarijta ayaa isku dayday inay difaacdaan Wabxo waxaana dagaal ka dhacay meel sideed KM u jirta magaalada lagu jabiyay khawaarijta 

Ciidamada Qaranka iyo dad deegaanka  ee iskaashanaya ayaa sidoo kale la wareegay deegaano balaaran oo ay ka mid yihiin Jaaw, Daadaale iyo Goobo kale oo Galgaduud ka tirsan deegaanadan ayay ciidamada ka sifeyeen kooxda Al-Shabaab, waxaan hadda gacanta ku haya ciidanka dowladda iyo kuwa dadka deegaanka. Waana qeyb kamid ah howl-gallada sifeynta ah ee ka socda deegaannada ka tirsan Galmudug

Kooxda Al-Shabaab ayaa wajahaya dagaallo dhulka iyo cirka ah oo ay fulinayaan ciidamada huwanta, waxaana ciidamada ay kooxda ka sifaynayaan dhulka howdka ah ee dhaca bariga gobolka Galgaduud, halkaas oo ay ciidanka xoogga ku burburiyeen fariisimo ay Shabaab ku lahaayeen

Howl-galkaan ayaa imaanaya xilli ciidamadii toddobaadyadii ugu dambeeyay lagu aruurinayay magaalada Dhuusamareeb ay jihada bari kaga dhaqaaqeen magaalada Ceelbuur

Post a Comment

0 Comments