Golaha Wasiirrada oo Ansixiyay Xeerka Qoondada Miisaaniyadda 2026 iyo Heshiisyo Is-afgarad oo Soomaaliya la gashay Uganda iyo Qatar

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Soomaaliya

 Golaha Wasiirrada Xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa, kaas oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda, Xamsa Cabdi Barre, waxaana lagu ansixiyay qodobo muhiim ah oo ay ka mid yihiin Xeerka Qoondada Miisaaniyadda Qaranka ee 2026, iyo laba heshiis is-afgarad oo Soomaaliya kala saxiixatay dowladaha Uganda iyo Qatar

Heshiiska Soomaaliya iyo Uganda ayaa diiradda 

Heshiiska Soomaaliya iyo Uganda ayaa diiradda saaraya iskaashiga dhinaca socdaalka, halka heshiiska lala galay Qatar uu quseeyo arrimaha amniga iyo la-dagaallanka dambiyada caalamiga ah, taas oo qayb ka ah dadaallada Dowladda Federaalka ee lagu xoojinayo xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga amni ee caalamiga ah 

Intii uu socday shirka, Wasiiru Dowlaha Wasaaradda

Intii uu socday shirka, Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga, Xildhibaan Cumar Cali Cabdi, ayaa Golaha uga warbixiyay xaaladda amniga guud ee dalka iyo guulaha isdaba-jooga ah ee ay Ciidamada Qalabka Sida ka gaareen dagaalka lagula jiro Al shabaab

Cumar Cali Cabdi ayaa sheegay in la sii laba jibbaarayo howlgallada qorshaysan ee lagu ciribtirayo haraadiga Al-shabaab, iyadoo la xoojinayo iskaashiga ka dhexeeya ciidamada iyo shacabka ku nool deegaanada lagu dagaalamayo

Golaha Wasiirrada ayaa bogaadiyay dadaallada ciidamada qaranku ku difaacayaan dalka, iyagoo muujiyay sida ay Xukuumadda uga go’an tahay in la dhameystiro qorshaha xoreynta dalka oo dhan, lana gaarsiiyo adeegyada aasaasiga ah ee bulshada deegaanada la xoreeyay

Goluhu waxa uu sidoo kale ammaanay wadashaqeynta ka dhexaysa hay’adaha amniga iyo shacabka Soomaaliyeed, taas oo horseed u noqotay guulaha muuqda ee laga gaaray dagaalka lagula jiro kooxaha Argagexisada

Post a Comment

0 Comments