Alan Pardew Oo Magacaabay Kooxda Kaliya Ee Arsenal Kulan Tartamaya Premier League Xilli Ciyaareerdkan.

Alan Pardew

Tababarihii hore ee West Ham, Alan Pardew,

 Tababarihii hore ee West Ham, Alan Pardew, ayaa sheegay in Manchester City ay tahay  kooxda ugu weyn ee Arsenal kula tartamaysa horyaalka Premier League-ka Kooxda Arsenal ayaa hadda afar dhibcood ku hogaamineysa horyaalka laakiin waxay lix dhibcood ka sarreeyaan Manchester City, oo Axadii 1-0 guuldarro kala kulantay kooxda Aston Villa

Arsenal sidoo kale waxay toddobo dhibcood 

Arsenal sidoo kale waxay toddobo dhibcood ka horreeyaan kooxda difaacanaysa horyaalka, Liverpool Inkasta oo Manchester City guuldarro 1-0 ah kala kulantay Aston Villa, haddana Alan Pardew wuxuu weli filayaa in City ay “tartanka si adag ugu soo laaban doonto Pardew ayaa yiri isagoo la hadlayay talkSPORT

Waa lama huraan in la dareemo cabsi ah in Man City

Waa lama huraan in la dareemo cabsi ah in Man City ay tartanka ku soo laaban doonto. Waxaan aaminsanahay in ay wadaan tartan weyn inkastoo ay guuldaro kala kulmeen Aston Villa, dhab ahaantii waan aaminsanahay

Walwalka kaliya waa haddii ay aad ugu tiirsan yihiin Haaland, kaas oo haatan qaab fiican ku sugan, balse wali u baahan taageero ciyaartoyda kale

Post a Comment

0 Comments