Muuse Biixi waa in xilka laga tuuraa waayo soamaliland wuxuuu ku furay jabhado hubeysan

Muuse biix


 Ciidamada Somaliland ee uu hogaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi ayaa ku jabay dagaalkii shalay ee ay beelaha hortooda ku soo qaadeen waxaana dagaalkaasi uu sababay khasaare badan oo dhimasho iyo dhaawacba leh kuwaas oo aan helin meel ay ku aasaan maadaama oo burburkii weynaa ee soo gaadhay. dalka saameeyey Muuse Biixi waxa uu Somaliland u horseeday khal-khal dhanka amniga ah oo aad u weyn, sababtuna waxa ay tahay siyaasadiisa oo guracan ee uu ku maamulayo gobolka iyo culayska uu saaray guddiga doorashada ee ah in doorashada madaxtooyada dib loo dhigo ilaa 11-2024 oo muddo kordhin laba sannadood ah loo sameeyo

Maanta se 30 ka sanee soo socda Isaaqu ma u dulqaadan karaan inay SSC madaxdoodu Somaliland ka taliyaan caasimadana Laascaanood laga dhigo markastay hadlaan oo ay faanayaana hadalka ku bilaabaan qalasyadii SSC adeeradiinbay Qoojacade ka eryadeen oo midba meel ka dhacay ilaa aad qof kasta naftaada oo kale ka soo qaado xal ma keeni kartid siyaasi xumihii aan la yaabi jiray ee hadaladaas ku hadli jiray iyagoo kuwa ay sheegayaan inaadeerkood ag taagan yahay ayaa maanta ay cashar u noqonaysaa

Si kale waxba ku qaadan waaye e waxaan leeyahay dagaal wiilbaa ku dhinta oo wiil kuma dhashee oo yaan loo noqon,wax wada hadal lagu waayay dagaal laguma helee waxaan intaas ku daraya inta madaxda Somaliland inta ka hadhay maamushaa aanay dagaalka u arag mid sokeeyana dhibaatadu way sii soconayaa iyo talo xumado oo haday dagaal sokeeye u arkaan ilayn waa kuwa leh Somali waqooyi oo dhan anagaa maamulnee dagaalkuna dhulka Soomaali waqooyi ayuu ka dhex socdaaye hadduu intuu caqli ku jiro saw may qaateen siyaad ah "gacmo geel jire hoosbaa loo dhaqaa"oo arrinka wada xaajood kumay dhameeyeen miyay odhan lahaayeen cadawbaa inagu soo duulay?

Waxaan ku soo koobayaa inta siyaasi xumaha Somaliland ka taliyaa Daarood cadaw u arko ku soo duulay oo aanuba u arag qabiil dalka la dega dabka Somaliland ka hurayaa wuu sii soconayaa mana arko madax intaas fahmaysa ,waar haddii inuu inaad wax daba qabataan idinku jirto dagaalka hala joojiyo wadahadalna ha la furo shir ka balaadhan kii 1991kiina halagu qabto Laascaanood

Kaas oo lagaga tashanayo aayaha laantii Muuse burburiyay dal cusub na ha la unko dastuur cusubna hala samaysto iyo calan cusub ama kaas daraawiishta hala qaato in badankii ku aanay rabin ka dul lushaye dalkana magaca halaga badalo oo DSW(Dawladda Soomaali Waqooyi) haloo bixiyo ,haddii aan taas diyaar loo ahayn reerkastaa halkuu dego ha ku eekaado oo yuu reer kale u dawladayn federaalkana roodhida biyo hakula dhuuqo oo nabad haku naaloodeen haday doonaana waligoodba ictiraaf ha sugeen se yaan dhiig Soomaaliyeed dib la daadin

Post a Comment

0 Comments