Kooxda AlShabaab oo weerar ku billowday qaraxyo ku qaaday saldhigyada Cowswayne

Kooxda alshabaab

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya weerar culus oo ay saaka xubnaha kooxda Al-Shabaab ku qaadeen saldhiyo ay ciidamada dowladda iyo kuwa Macawiisleyda ku leeyihiin deegaanka Cowswayne ee Galgaduud weerarka ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu ku billowday qaraxyo, waxaana kadib xigay dagaal toos ah oo illaa iyo hadda socda sida ay innoo sheegeen dadka deegaanka

Labada dhinac ayaa isku adeegsanaya hubka noocyadiisa kala duwan waxaana sidoo kale jira khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh warbaahinta dowladda ayaa sheegtay in ciidamada huwanta ay iska difaaceen weerarka lagu qaaday, oo ay sheegtay inay ka war hayeen markii hore sidoo kale waxa ay intaasi ku dartay in la fashiliyay gawaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa oo ay deegaanka ku soo weerareen Al-Shabaab.

Ciidanka Qaranka iyo geesiyaasha dadka deegaanka ayaa fashiliyay weerar ay saaka maleeshiyada Khawaarijta ah ku soo qaadeen deegaanka Cowswayne oo dhawaan laga xoreeyay. Ciidanka Qaranka oo hayay xogta Khawaarijta ayaa jilibka udhigay Khawaarijta oo watay gawaari qaraxyo ku rakiban yihiin,  Dagaal ayaa wali ka socda nawaaxiga deegaanka” ayaa lagu yiri qoraalka lagu daabacay waraabhinta dowladda Soomaaliya

Qoraalka ayaa sidoo kale lagu yiri “Ciidamada Qaranka ayaa maleeshiyaadka Khawaarijta ah ka sifeeyay inta badan dhulka Galmudug iyo Hirshabeelle ,waxaana socda dhamaystirka hawlgalka deegaankan ayaa kamid ahaa deegaano ay todobaadkii hore la wareegeen ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka ee haatan howlgallada ka wada gobolka Galgaduud

Cowswayne ayaa ah deegaan muhiim ah oo dagaal-yahaanada  Al-Shabaab u ahayd goob ay ka difaacaan degmada Ceelbuur oo ay sidoo kale shalay la wareegeen ciidanka huwanta

Post a Comment

0 Comments