Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in wejiga labaad ee dagaalka alshabaab ay ka qeyb galayaan ciidamada cirka Soomaaliya

Kooxda alshabab


  Wasaaradda gaashaandhigga dowladda Soomaaliya ayaa xaqiijisay in howlgalka lagu xoreynayo degaanada Galmudug ay ka qeyb galayaan markii ugu horreysay ciidamada cirka Soomaaliya oo ay adeegsanaya diyaarado dagaal afhayeenka wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya Gen, Cabdullaahi Cali Caanood ayaa sheegay in ay ciidamada Soomaaliyeed ay duqeynayaan xarumaha Alshabaab ay kaga sugan yihiin degaanada howlgalladu ka socdaan

Waxaan yeelanay ciidan cir iyo dhul oo xoog leh waxaa socda diyaaradihii ciidanka cirka Soomaaliya oo dhallinyaro Soomaaliyeed ay waddo oo sahminaya oo duqeynaysa waxaa jira ciidankii dhulka oo gaadiid badan wata ayuu yiri afhayeenka wasaaradda gaashaandhigga

Gen. Caanood wuxuu sheegay in Dowladda Soomaaliya ay ka go’an tahay in Alshabaaab dalka laga xoreeyo, oo aan lagu dhaafin meelo yaryar oo ay ku dhuumaaleysanayaan afhayeenka wuxuu sheegay in ay Dowladdu cafis u fidisay cid kaste oo kasoo goosata Alshabaab wuxuu sheegay labo maalmood ka hor inay dhallinyaro Shabaab ah isku soo dhiibeen ciidamada Dowladda ee ku sugan Galcad

Si kastaba ha ahaatee, Dowladda Soomaaliya ayaa wadda gulufkii ugu xoogganaa, iyadoo ciidamada xoogga dalka iyo kuwa macaawisleyda ay kusii siqayaan inay gacanta ku dhigaan guud ahaan gobolka Galgaduud, oo hadda Alshabaab ay kaga sugan yihiin meelo kooban

Sidoo kale wasaaradda gaashaandhigga ayaa uga digtay dadka shacabka ah ee ku nool deegaanada ay AlShabaab joogaan inay sii deganaadaan meel Shabaab joogo ama ay ka showdahay xarun ay leeyihiin qofkii howlgallada socda ay wax ku gaaraan cid uu eedayo ma jirto howlgalkii dhulka deg-deg ayuu u bilaabanayaa maalmahaan

Si balaaran ayaa loo qorsheeyey dagaalka shacabka degan Galmudug iyo HirShabeelle ha isaga fogaadeen Khawaarijta ayuu yiri Jeneraal Caanood sidoo kale Afhayeenka ayaa sheegay in markii la eego diyaar-garowga la galay uusan dagaalkaan yeela doonin weji 3-aad isla markaana rajo badan laga qabo in labadaan weji lagu soo afjaro Al-Shabaab

Post a Comment

0 Comments