Warar ayaa sheegaya in dagaal u dhaxeeya dagaal-yahano kawada tirsan kooxda alshabaab uu ku dhexmarayo degmada jilib

Kooxda alshabaab


 Wararka laga helayo gobolka Jubbada Dhexe ayaa waxay sheegayaan in degmada jilib uu ka dhacay dagaal u dhaxeeya dagaal-yahano ka wada tirsan kooxda alshabaab dagaalkan ayaa imanaya kadib markii dagaal-yahaano ka tirsan kooxda ay weerareen guriga horjooge sare oo ka tirsan ajaanibta ka barbar dagaalanta kooxda kaasi oo lagu magacaabo jaabir

Jaabir ayaa la sheegay inuu kamid yahay horjoogayaasha ajaanibta ah ee saameynta ku leh kooxda alshabaab maleeshiyaadka kooxda ka tirsan ee weeraray guriga horjooge jaabir ayaa waxay toos uga amar qaatan Mahad Karataay oo kamid ah hoggaanka sare ee kooxda kadib khilaaf soo kala dhex-galay sida ay shaacisay warbaahinta dowladda

Kadib weerarka waxa halkaasi uu dagaal toos ah ku dhexmaray maleeshiyaadkii weerarka qaaday iyo kuwa ku sugna guriga horjoogaha kenyanka ah kaasi oo geystay khasaare iskugu jira dhimasho iyo dhaawac inta la xaqiijiyay shan xubnood ayaa ku dhintay dagaalkan tooska ah ee degmada jilib ku dhexmaray kooxda 

Halka ay ku dhaawacmeen siddeed kale oo uu ku jiro horjoogaha ajnabiga ah ee gurigiisa la weeraray kaas oo la sheegay inay qaateen isaga oo dhaawac ah maleeshiyaadkii soo weeraray dhinaca kale dagaal-yahaano daacad u ah horjoogihii hore ee ajaanibta kooxda alshabaab Salmaan Muhaajir ayaa isku diyaarinaya inay weeraro ku qaadan xabsi ku yaalla gudaha jilib oo dhawaan lagu xiray maleeshiyaad iyo horjoogayaal ajaanib ah sida ay shaaca ka qaaday warbaahinta dowladda

Warbaahinta dowladda ayaa shalay baahisay inuu sii xoogeystay khilaafka u dhaxeeya hoggaamiyeyaasha kooxda oo laba garab kala noqday kaas oo durbo saameyntiisa laga dareemay deegaanada ay maamusho kooxda gaar ahaan gobollada jubbooyinka khilaafka ayaa markii hore sababay in la xiro tobaneeyo ajaaniib ah oo u badan kenyaan, kuwaas oo ka barbar dagaalamayay kooxda alshabaab kuna sugnaa deegaanada jubbaland

Dowladda ayaa sheegtay in horjoogaaal iyo dagaalamayaal ajaaniib ah oo la socday kolonyo gaadiid ah oo marayay deegaanka kabsuuma ay habeenimadii aheyd khamiista gaari kala dageen koox kale oo uu watay horjooge lagu magacaabo maxamed amiin oo u dhow mahad karataay oo ka mid ah hoggaamiyeyaasha sar sare ee kooxda maxamed amiin ayaa ku magacaaban horjoogaha amniyaadka muhaajiriinta 

Wuxuuna sidoo kale kasoo jeeda magaalada guriceel sida warbixinta lagu sheegay ragga ajaaniibta ah ee lasoo qabtay ayaa waxaa lagu xiray xabsi ku yaalla degmada jilib ee gobolka jubbada hoose waana kan ay qorsheynayaan inay weeraraan xubnaha taabacsan horjoogihii hore ee ajaanibta kooxda 

si kastaba mahad karataay iyo kooxdiisa ayaa la sheegay inay doonayaan in ay awood dheeraad ah siiyaan horjoogaha cusub ee ajaanibta jacfar suudaan oo kasoo jeeda sudan si ay uga taqalusaan garabkii salmaan muhaajir

Post a Comment

0 Comments