Mareykanka oo sheegay in uu dilay hoggaamiyihii Kooxda Daacish ee Somalia

Kooxda alshabaab


Dawladda Maraykanka ayaa sheegtay inay dileen hoggaamiye sare iyo xubno kale oo ka tirsan ururka daacish ee soomaaliya, ka dib hawlgal ay ka fuliyeen buuraha cal-miskaan ee ku yaalla maamul goboleedka puntland ee soomaaliya warsaxaafadeed ka soo baxay wasaaradda difaaca ee maraykanka ayaa lagu sheegay in xubnaha hawlgalkaas lagu dilay uu ku jiro bilaal-al-sudani oo ah hoggaamiyaha daacish ee soomaaliya

Bishan marso 25-keedii ayaa amar ka yimid madaxweynaha wuxuu milateriga maraykanku uu hawlgallo gaar ah ka fuliyey soomaaliya halkaas oo lagu dilay xubno ka tirsan daacish oo uu ku jiro Bilaal-al-Sudani oo ah hoggaamiyaha daacish ee soomaaliya ahaana fududeeye muhiim ah oo ka tirsan shabakadda caalamiga ah ee daacish ayaa lagu yiri warsaxaafadeed uu soo saaray wasiirka difaaca ee maraykanka lloyd j. austin III

Sarkaal sare oo maraykanka ah ayaa sheegay inay al-sudani la dhinteen illaa toban xubnood oo kale inkasta oo maraykanku doonayey inay qabtaan hoggaamiyaha daacish balse maleeshiyaadka la joogay ayaa sameeyey falcelin dawlada maraykanka ayaa sheegtay inaanu jirin wax khasaare ah oo soo gaadhay ciidamadii maraykanka ahaa ee hawlgalkaas ka qayb qaatay

Warsaxaafadeedka ka soo baxay wasaaradda gaashaandhiga ee maraykanka ayaa lagu sheegay in al-sudani uu ka masuul ahaa kobcinta iyo joogitaanka sii kordhaya ee ururka daacish ee qaaradda afrika iyo weliba maalgelinta hawlgallada kooxda ee adduunka oo dhan oo ay ku jirto afghanistan tallaabadani waxay kor u qaadaysa ammaanka iyo bedqabka maraykanka iyo saaxiibadiisa

Waxayna ka tarjumaysaa sida ay nooga go’an tahay in aan maraykanka ka ilaalinno khatarta argagixisada gudaha iyo debeddaba wasaaradda gaashaandhigga ee maraykanka ayaa sheegtay inaanay jirin dad rayid ah oo wax ku noqday hawlgalkan waxayna u mahadceliyeen laamaha ammaanka ee maraykanka kuwa sirdoonka iyo saaxiibada ee kale ee ka taageeray hawlgalkan guulaystay

Dawladda maraykanka ayaa sheegtay inay hawlgalkan la socodsiisay dawladda somalia sidoo kalena la taliyaha amniga qaranka ee somalia xuseen sheekh cali oo ku sugan dalkan maraykanka ayaa soo dhoweeyey hawlgalkaas wuxuuna sheegay in markii horaba daaish aysan wax awood ah kulaheyn soomaaliya balse taani ay sii wiiqeyso

Post a Comment

0 Comments