Ciidamada dowladda federalka soomaaliya ayaa howlgal kaga soo furtay shacab u afduubnaa shabaab

Kooxda alshabaab


 Wararka laga helayo gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in maanta ciidamada dowladda federaalka soomaaliya ay howlgal culus ka sameeyay agagaarka degmada buuloburde oo ka tirsan gobolkaasi kaas oo lagu beegsaday shabaab guddoomiyaha degmada buuloburte xasan maxamed cabdi oo la hadlay idaacadda shabelle ayaa ka warbixiyay howlgalkaasi 

Wuxuuna sheegay inay ku beegsadeen goob ay ku sugnaayeen Al-Shabaab isla-markaana ay ku dhibaateynaayeen dadka shacabka ah kooxaha khawaarijta waxay isbaaro u dhigteen dadka usoo ganacsi tega degmada buuleburde iyaga oo waxa ay haystaan ka qaatan ayuu yiri guddoomiyuhu

Sidoo kale guddoomiyaha ayaa shaaca ka qaaday inay soo bad-baadiyay dad shacab ah oo u afduubnaa kooxda sidoo kalena ay soo daayeen gaadiid ku xayirnaa halkaasi waxaan maqalnay in kooxaha khawaarijta ay dad shacab ah iyo gawaari ay ku haysteen halkaasi waana ku baxnay runtii dadkiina waa kasoo bad-baadinay ayuu sii raaciyay

Xasan Maxamed ayaa intaasi ku daray dad tobaneeyo ka badan ayay ahaayeen waxay saarnaayeen mootadan saddex lugaaleyda la yiraahdo iyo gawaaridaan raashinka wada dhanka kale wuxuu hoosta ka xariiqay inay si dirqi ah uga baxsadeen xubnaha al-shabaab ee ku sugnaa goobta ay weerareen ciidamada dowladda ee lagu hayey dadkaasi

Hiiraan ayaa waxaa dhowr jeer oo hore ka dhacay howlgallo ay alshabaab ku beegsadeen dadka shacabka ah ee la socda gaadiidka ku safra waddooyinka gobolkaasi si kastaba gobolkan oo dhaca bartamaha dalka isla-markaana hoostaga hirshabelle ayaa xudun u noqday kacdoonka shacab ee ka curtay dalka ee looga soo horjeedo alshabaab

Post a Comment

0 Comments